Sidee Shaqo Loo Helaa Ama Loo Abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Suldaan (Rakad) Q. 4’aad

⦁ Dawlada iyo saammeynta ay ku leedahay shaqo la’aanta
Marka laga hadlayo qaababka shaqo loo helo ama loo abuuro waxa sabab u ah dawladda iyo hoggaanka dalka , haddii shaqo abuur la sammeeyo iyaga ayaa ku amaanan haddii shaqo la’aantu badatana iyaga ayaa lagu dhaliilayaa, Dawladdu waxay awood u leedahay innay shaqo abuur sammayso iyo innay caawiso ciddii diyaar u ah innay shaqo abuuraan, se maanta iyo dalkeenna way adag tahay innay dawladeennu shaqo abuur badan sammayso, sidoo kale way adag tahay innay kaa caawiso innaad shaqo abuur sammaysid, waayo wali waxaynnu ku jirnaa qaabeyntii dawladnimo iyo dibu dhac badan oo innagu yimid.
Dawladdu markasta waxay saammeyn ku leedahay in shaqo la abuuro iyo inay shaqo hellaan dhallinyaradda jaamacadaha dalka ka baxay , si haddaba dawladdu shaqo abuur u sammayso maxaa looga baahan yahay, dawladdu xog badan iyo aqoon badan way haysataa se waxa ku adag fulinta iyo qorshe u sammaynta qaabkii shaqo loo heli lahaa ama loo sammeyn lahaa, aniga aragtidayda waxay ila tahay haddii la doonnayo in shaqo la abuuro waa ay fududahay, waanna mid aynu qabsan karno waxaannay ku xidhan tahay Hoggaanka dalka oo maamulkiisa hoose ku dhiirrigaliya sidii ay shaqo abuur u sammayn lahaayeen, haddaba anigu waxaan qabaa Haddii dawladdu rabto innay shaqo abuur sammayso qodobadan hoos ku xusan:-
⦁ Qorshe qaran oo ka dhan ah shaqo abuur; Waa in la sammeeyo qorshe qaran oo shaqo abuur loogu sammaynayo inta shaqo doonka ah ee jaamacaddaha ka soo baxay , kaas oo sida loo qorsheeyo loo fuliyo.
⦁ In la diiwaan galiyo inta shaqodoonka ah iyo inta jaamacaddaha ka soo baxday ee aan shaqo haysan ka dibna qaab daacadnimo leh loogu abuuro shaqo iyo waayo-aragnimo kolba kii diyaara
⦁ In jaamacaddaha dalka lagu soo kordhiyo qaybaha xirfadaha oo ardaygu ka soo baxo isaga oo xirfadaysan taasna ay dawladdu ku amarto in jaamacaduhu sammeeyaan
⦁ In dhallinyaradda Iskaa wax u qabso loogaga faa’iideysto oo guno yarna la siiyo iyaddoo kolba loo dirayo meelaha baahida shaqo ka taagan yihiin.
⦁ In dawladdu Sanadkasta shaqo abuur sammayso oo Qorshaha ay dhigato ku socoto
⦁ In la hello Tababaro la siiyo dhallinyarta oo waayo-aragnimo leh
⦁ In dawladdu hay’adaha iyo shirkadaha waaweyn ee dalka ay la socoto qaababka ay wax ku shaqaalaysiiyaan , markasta oo ay shaqaale u baahdaanna ay liiska keennaan wasaaradda ku shaqada leh si loo siiyo muwaadinka caddaaladna loogu sammeeyo, sidoo kalena ay isku eegto shaqadda ay hayso iyo inta ka shaqaysa oo haddii dadka ka shaqeeyaa ay yar yihiin lagu dari karo shaqaale kale.
⦁ In caddaaladdu shaqayso oo si daacadda dhallinyaradda bilaa shaqada ah loogu kuur galo
⦁ In dawladdu mashaariic badan bilawdo shaqo abuurna ku jiraan
⦁ In dawladdu ganacsiyo bilaabi karto oo ay awood u leedahay in goobaha muhiimka ay gacanta ku hayso
⦁ In markasta maanka lagu hayo in dhallinyaradda la shaqo galiyo oo aan la ilaabin sida imika aannay rejo u lahayn in shaqo abuur loo sammeeyo.
⦁ In Shirwayne qaran loo qabto hay’daha iyo dawladaha ina taageersan lagana codsaddo innay shaqo abuurka innaga caawiyaan.
⦁ In bulshada iyo ganacsiyaddaba ay ku dhiirrigaliyaan innay wershado sammeystaan oo iyagu shaqo abuur sammayn karaan.
⦁ In dalka khayraadkiisa looga faa’iideysto sida ugu saxsan, ka dibna dibu dhis lagu sammeeyo meelkasta oo dhaqaale iyo shaqo abuur laga hellayo sida Wershadda Sibidhka oo iska fadhida iyo innaga oo sibidhkii Ethiopia inooga yimmaado.
⦁ In Ciidamadda mushaharka loo kordhiyo dhallintana intooda badan camal looga dhigo.

Dawladdu waxay markasta awooddaa shaqo abuur se waa marka daacad laga wadda yahay, sidoo kale waxay awooddaa innay qorshe u sammayso sidii shaqo abuurka loo sammayn lahaa se wali ciddi uma jeeddo, dhallintiinna qaar badan baa quus qaba, kuwaasna waxaan leeyahay naftiinna iyo horumarkeeddaba geed dheer iyo mid gaabanba u fuulla sidoo kalena u samra oo u adkeysta caqabad kasta oo idinla soo gudboonnaata qaabkasta oo xalaal ah kuna shaqaysan kartaan u shaqaysta se ha naga tahriibina oo dalkiinna aamina, diintiinna difaaca, dadkiinnana caawiyo oo garab iyo gaashaan u noqda.

Farxaan Maxamed Suldaan (Rakad)
farxaanmxd@gmail.com
Facebook: Rakad Mxd Sultan
Article: 328
Tell: – 063-4400319
Berbera.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker