Ciidamadda Qaranka Somaliland Oo Fadhiisin Cusub Ka Samaystay Magaaladda YUBBE Ee Gobolka SANAAG
Ciidanka Soomaaliland ayaa maanta Fadhiisin saldhig cusub ah ka sameystay Degmada Yube ee Gobolka Sanaag.
Saldhigaas oo ku yaal dooxada magaalada Yube ee gobolka Sanaag gaar ahaan degaan lagu magcaabo (Dhiciro Nayla-laaye), waxayna Wataan Ciidamaddu qiyaastii 35-40 gaadhi oo tiknika ah.
Maalinimadii Sabtidii ayaa agaas waxa kormeer ku tagay taliyaha Saddexaad ee Ciidanka Somalilaand.
Somaaliland ayaa qorshaynaysa sidii ay isugu fidinlahayd dhamaanba gobolka Sanaag,iyada oo arrintaas lagu sababeeyey joogitaanka Jabhad hubeysan ee saldhigeedu yahay Qardho.
Wax talaaba ah maqaadin maamulka Puntland oo degaankaas bishii 12 u magcaabay Degmo.