xanuunada aan gacmaheena ku abuuranay

 

salaan kadib waxaan halkan idin ku soo gudbinayaa maqaalkii labaad ee aan ka qoro nolosheena iyo samaynta xanuunada aynu gacmaheena ku abuurano.

waxaa igu kaliifay inaan qoro maqaalkan cabashada aynu ka cabayno xanuuno badan sida;(gaastari,dhiikar,macaan,sanboor,hargab,faalig,iwm)

xanuunadan ayaan aaminsanahay inaan gacmaheena ku abuurano sababtoo ah markaad aragto meelaha aan ku cuntayno(restraunts ) ama cunatada aynu cunno intaba waxaa ka muuqata tayo la’aan,nadaafad darro.

hadaba waxaan tilmaami doonaa oo aan fasiridonaa qodobo badan oo aan ka qaadi karno xanuunada gacmaheena aan ku abuuranay (allah haynaga badbaadiyo );

1: Isnadiifin la’aan jirta:inbadan waxaaad aragteen dadkeena oo la daalaadhacaya xanuuno badan oo halis ah iyo kuwa kale oo ayla noolyihiin waxaad sidoo kale aad ku aragteen indhihiina meherada aynu ka cuntayno in ay tahay meelo aan aad loo nadiifin, waxaan ogsoonahay inay dadkeenu iska indhatiraan waxa saxda ah ee udaran nafteena ,nadaafadeena,caafimaadkeena iyo iwm.

nadaafaduna waa qayb kamid ah iimaanka;

النظافة شطرمن الايمان)) nabigeenu (scw) inbadan ayuu inooga waramay nafteena iyo wanaageeda sidoo kale waxa uu inoo tilmaaamay nadaafada,jidhkeena cuntadeena guryaheena iyo meesha marba aynu ku suganahay.

hadaba waxaa halkaa ka caadaanaysa inlaga qaadikaro xanuuno badan kuwaas oo u muuqda inaan gacmaheena ku abuuranay .

2:Mudalab iyo Kariye;(waiter and cooker)

waa meel kalo oo astaaan cad u ah in laga qaadikaro xanuuno badan waaayo?! Agabka iyo labiskooduba waxaaad ka dheehan kartaa uskag ka muuqda dharkiisa jirkiisa,iyo qaabka shaqadiisa oo aan nadiif kusalaysnayn.

hadaba akhristow ma ila aragtay dhacdan (Haa/Maya) qofka bani aadamka ah waxaa waajib ku ah in uu isnadiifiyo iskana nadifiyo dhammaan wasakh kasta oo saamayn ku yeelan karta nolosheena.

sharcigeenuna waa sharci dhamays tiran oo Allah inooga waramay waxkasta oo nafteena badbaado iyo khasaaraba u ah sidoo kale nabigeenu(scw)waa inooga waramay diinteeena iyo wanaagyada nadaafadu leedahay.

3:Hudheelada hortooda iyo guryaha hortooda:

Hudheelku waa meesha laga cunteynaayo waxaana waajib ah inuu cuntada iyo alaabta lagu cuntaynaayo iska nadiifiyo iyo dhamman degaanka uu kufadhiyo huteelku hadba waxaad aragteen in laga dheehan karo wasakh badan oo kamuuqata meesha uu hudheelku degenyahay oo haday ahaato meesha lugu faraxasho, kuraasida, meelaha la istaagayo,iyo jikada wax lugu karinaayo.(waxaana laga qaadikaraa xanuuno aynu gacmaheena ku abuuranay).

Guryaheena waxaan aragna inaynu ku horqubno uskagyada iyo wasakh kasta oo aan kasoo qufno hadhowna waxaa ay kaqaadi karnaa xanuuno aan ku abuuranay gacmaheena.

haweenkeena,caruurteena,dadka dariiqa maraaya intaba saamayn ayuu ku yeelan karaa oo waxaa sifud looga qaadikaraa xanuuno ay kamid yihiina (hargab,sanboor iwm , allah haynaga badbaadiyo )

4:Biraha isgaadhsiinta shirkadaha (Towers)

Waxaa jirta halis weyn oo baaxadeeda leh oo aan bulshadu ka warqabin Lana odhan karo waa dilaaga qarsoon .Waxaa jira cuduro aan daawo lahayn oo bulshadeenu maalin kasta U dhimanayso.

dawlad iyo shicibtoona cidi ka hadlayn, waana biraha dhaadheer ee isgaadhsiinta oo xaafad walba laga dhex taagay, shirkaduhuna ma daneeyaan wixii bulshada dhibaataynaaya waxa kaliya ee ay eegaan waa lacagta yar  oo kasoogalaysa.

Cudurka ay aadka  U sababeen biraha isgaadhsiintu waxaa ka mida ilmaha oo dhinta isagoongaadhin xiligii dhalmada ama noqda ( DHICIS), waana mid aad iyo aad ugu badan bulshadeena, qoyskasta ood waraysato waxay kuu sheegayaan inuu jiro qof ilmihii ka dhintay intuuna gaadhin xiligii dhalmada.Aduunka waxa mamnuuc ah in biraha isgaadhsiintu laga taago meel bulshadu dagantahay ama udhawdahay, waxa laga fogeeyaa in ku dhawaad ‘1KM’ iyadoo lagu lifaaqo bir layidhaahdo (LED) tasoo yaraysa dhibaatada fidida (radio active) ka.

Bal u fiirsoo shirkada isgaadhsiintu waa kuwa ugu badan ee ka faa’iida bulshada xaga lacagta.Waxa bulshada kasoo gala lacag gaadhaysa malaayiin dolar bishii, kamanay fikirin Inay bulshadooda danyarta ah ee bilaa cilmiga ah ka qabtaan  ama ka badbaadiyaan dhibaa tadooda balaaran.

ALLAH  mooyee cid ka badbaadisa bulshada danyarta ah dhibaatadan MA jirto.

Maqaal kani ma soo koobikaro dhamman xanuunada aan gacmaheena ku abuuranay lakiinse waxa uu tuse iyo dhiirigaliye u yahay aqoonyahanka fadhiidka noqday ee gabay shaqadoodii (dhakhaatiirteena ah) waxaa loo baah naa bahda dhakhaatiirta in ay ka soo saaraan cilbaadhis balaaran oo faaido u leh diinta dadka iyo dalkaba.

 

 

Waa billaahi towfiiq

 

 

 

 

 

Halhaystaydu waa:

Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad

QORE:Mohamed basher Hassan(AYMAN)

Tell:063-6483645/065-9345261

Email:mobashiir23@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker