Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo ka Hadlay Shirka Nabada Ee ka Furmay Paris.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay kulanka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo galay maalintiisii labaad.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dood looga hadlayay gaaridda hadafyada horumarka waara ee 2030, ka caddeeyay inay muhiim tahay in la qiimeeyo dhammaan xaaladaha dunida ka jira si loogu guuleysto himilooyinka oo dhan.

“Hannaanka guud ee lagu gaadhayo hadafyada horumarka Waara (SDGs) ma aha inuu hannaan Qudha ee ku habboonyahay xaaladaha oo dhan. Xaaladda Soomaaliya waa mid gaar ah. Codsigeygu waa inaan cidna gadaal looga tegin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris ayaa looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker