Ciidamada Maraykanka Oo Shaaciyay In Uu Duqayn Ku Dileen Xubno Sare-sare Oo Ka Tirsan Ururka Daacis

 

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 13 xubnood oo Daacish-ta Soomaaliya ah ay ku dileen weerar dhinaca Cirka ah oo Arbacadii ka dhacday buuraleyda Golis ee gobolka Bari.

Qoraal lagu daabacay Twitter-ka howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in meelaha gantaalada lala helay ay ahaayeen goobaha ay argagixisadu ku qariso hubka, ku sameyso qaraxyada, ku tababartaan kuna abaabulaan ficiladooda wuxushnimada ah.

Agaasimaha sirdoonka howlgalka Mareykanka ee Afrika Heidi Berg ayaa sheegay in duqeynta ka hor ay xogo soo siiyeen mukhaabaraadkooda, taasoo keentay in la dilo 13 dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Daacish.

Waxa uu meesha ka saaray in dad Shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka, iyadoo ay nooqneyso duqeyntii 2-aad uu Mareykanka kula eegto Daacish qeybo kamid ah Punland sanadkan 2019.

Weerarkan kii ka horeeyay oo ka dhacay isla gobolka Bari waxaa lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdixakiin Dhuqubed iyo darawalkiisa, Cabdixakiin wuxuu horey uga tirsanaa AlĀ­-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker