Ex-Wasiir Cismaan Cadaani Oo Tacsi U Diraya Reer Saxardiid Geerida Ku Timid Eng. Cabdisalaan Saxardeed

Inalillaahi Waa Ina Ilaahu Rajucuun ,

Wasiirkii hore ee  wasaarada warfaafinta Somaliland ee Xukuumadii Axmed Siilaanyo Mudane   Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya Qoyska iyo Qaraabada iyo dhamaan Reer  Saxardiid  geerida ku timid  adeerkii Eng. Cabdisalaan Saxardeed Ismaaciil oo shalay galab ku geeriyooday magaalada Qaahira ee Dalka Masar , maantana lagu aasay isla magaalada Qaahira.

Waxanaa uu ilaahay uga baryayaa in  Ilaahay Janaatal Fardowsa hoygiisa Ha ka dhigo , Samir iyo imaana  ka siiyo , Xaaskiisii , Caruurtiisii , Reer Sahardiid oo dhan , Eheladii sii , Qaraabadiisii iyo Asxaabtiisiiba , Waxa uu  ahaa Adeer    aad u wanaagsan oo Afgaaban , runtiina Ilaahay siiyey Sharaf iyo maamuus . Maalin Khayr oo Ramadaan Bil kow aad ah ayu geeriyooday ee Allah Ha u naxaariisto . Inalillaahi Waa Ina Ilaahu Raajuucuun.

Sidoo kale waxaa  tacsi tiiraanyo leh  diraya  reer Maxamed Cali Magan gaar ahaan Cabdiqaadir Maxamed Cali Magan oo ka tacsiyadaynaya  Reer Saxardiid oo dhan geerida naxdinta leh ee ku timid Eng. Cabdisalaan Saxardeed Ismaaciil oo ku geeriyooday magaalada Qaahira, waxaanay marxuumka uga baryayaan in ilaahay Samir Iyo Iimaan ka  Siiyo Marxuumka  Ilaahayna  Jandii Fardawsa Haka Waraabiyo aamiin Aamiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker