Xisbiga WADDANI Oo Ku Yaboohay 10,000 Kun Dollar Ah Dhismaha Garoonka 2aad Ee Kubadda Cagta Ee Burco.

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, ayaa Ku Yaboohay Qaadhaan lacageed oo dhan 10,000 Kun Oo Dollar Oo Uu Kaga Qaybgalayo Dhismaha Garoonka Labaad Ee Kubadda Cagta Ee Magaaladda Burco.

Qaddarka Qaadhaanka lacageed oo uu ku Dhawaaqay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo safar Shaqo u jooga Magaaladda Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer Isaga Iyo Masuuliyiin Sare Oo Ka Tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa Sheegay Inay Qaadhaankan uu yahay mid ay Taageerayaasha Xisbiga WADDANI kaga qaybgalayaan Dhismaha Garoonka Labaad Ee Kubadda Cagta Ee Magaaladda Burco oo uu Guddoomiye Cirro Xusay Inay Dhismihiisa Isu xil-qaameen Qaar Ka Mid Ah Dhalinyaradda Gobolka Togdheer, Gaar Ahaan Magaaladda Burco.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker