Madaxwaynayaasha Faransiiska iyo Ivor coast oo ku Kulmay Magaalada Paris

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa magaalada Paris kula kulmay dhiggiisa dalka Ivory Coast Alassane Ouattara. Kulanka ayaa ku soo beegmaya laba bilood ka hor doorashada madaxtinimada Ivory Coast.

 

Go’aanka Ouattara ee uu markii Saddexaad ugu tartamyo doorashada ayaa horseedday dhaleecayno kala duwan.

 

Hogaamiyaasha mucaaraadka ayaa sheegay in go’aanka madaxweyne Ouattara uu yahay mid sharci darro ah. Faransiiska oo ah dalkii gumeystay Ivory Coast ayaanan ilaa haatan wax war ah ka soo saarin go’aanka Ouattara ee uu markii sadexaad ku doonayo inuu u taratamo xilka madaweynaha dalkaasi.

 

Kaddib kulanka labada Hogaamiye ee magaalada Paris ee Maalintii Shalay Jimcaha ahayd   ayuu madaxweyne Ouattara bartiisa Twitter-ka ku sheegay in isaga iyo madaxweyne Emmanuel Macron ay is weeydaarsadeen fikarado ku qotoma dhaqaalaha iyo xaaladda siyaasadeed ee Ivory Coast, waxaana ka mid ahaa in doorashada madaxtinimada la qabto 31-ka bisha Oktoobar ee sannadkan.

 

Waa markii ugu horaysay ee labada madaxweyne kulmaan tan iyo markii uu Alassane Ouatara si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu markii 3-aad tartamyo.

Hogaamiyeyaasha mucaaradka ee Ivory Coast ayaa Faransiiska ugu baaqay inuu ka hadlo go’aanka madaxweyne Ouattara hase yeeshee Emmanuel Macron ayaanan ilaa haatan ka hadlin arrintaasi.

 

78 Sanno jirkaan ayaa bishii Maarso go’aan ku gaadhay inuu awoodda dalka ku wareejinayo da’yarta dalka waxaana go’aankaasi soo dhaweeyay madaxweynaha Faransiiska balse kaddib geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid Amadou Gon Coulibaly oo ah ninkii uu doonayay inuu isaga baddalo ayuu madaxweynaha talada haya ee Ivory Coast go’aansaday inuu markii sadexaad tartamo.

 

Waxaa markiiba go’aankaasi gaashaanka u daruuray mucaardka laakiin taageerayaashiisa ayaa sheegaya in isbadalkii sharciga ee 2016-kii uu madaxweyne Ouattara u ogolaanayo inuu markale tartamo.

Go’aanka madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale horseeday isku dhacyo dhex-maray dibadbaxayaasha iyo booliska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker