Barakac ka bilowday degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag Ee Magaalada Muqdisho

Barakac ayaa ka bilowday xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho kadib markii ay kordheen dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay xaafadahaasi ka wadaan ciidamada dawladda iyo kuwa mucaaradka.

Wadooyinka magaalada ayaa lagu arkayaa gawaadhi sida tobannaan qoys oo qaxaya oo wata alaabihii fududaa ee ay kala bixi kareen guryaha, iyagoo tagaya degmooyinka kale ee nabdoon.

Barakaca cusub ayaa bilowday kadib markii ciidamadii mucaaradka ee daganaa agagaarka KM4 ay u wareegeen xaafadda Siigaale ee degmada Hodan, iyagoo garabka ku qabtay ciidanka kale ee dawladda ka soo horjeeda ee fadhiya degmada Hawlwadaag.

Ciidamada gaarka ah ee booliska Haramcad ayaa iyana saaka tagay aagagii ay ka baxeen ciidamada mucaaradka ee fadhiyay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, iyagoo halkaa ka qaaday jidgooyooyinkii ay dhigeen labadii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada ka soo horjeeda dawladda.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker