Jawaantii Madaxwaynaha Somaliland ee dhoofka Xoolaha oo buuq ka dhalisay Dawladda federaalka ah Gudaheeda
Hargeysa (OWN) ―Xukuumada Somaliland ayaa markale si adag uga hor-timid warqad ay Dowladda Sacuudiga u dirtay Somaliland uguna sheegtay in warqadda caafimaadka Xoolaha sanadkan ee Xaj-ka ay bixineyso dowladda Federaalka ah ee Somaliya.
Isla markaana ay Somaliland ku Qasban tahay inay Hoos Tagto Dawladda Federaalka ah ee Somalia.
Hadaba wararka nagasoo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in, Masuuliyiin Badan oo Xilal ka haya Dawladda federaalka ah, ay Suaalo iska waydiiyeen sababta Loo Xanibay Xoolihii ka dhoofi lahaa Dekedaha Somaliland , Gaar ahaanna Berber. ‘
IN kastoo Madaxwaynaha somaliland uu laf ahaantiisu qodobkaa ka Hadlay .. Xalayto kuna soo daray qudbaddiisii 26-ka June .
Hadalkiisuna waxaa uu u dhacay sidan.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka qeyb-galay munaasibad balaadhan oo lagu xusayey 26-kii June, ayaa wuxuu ka hadlay go’aanka uu Sacuudigu ku hoos geeyay dowladda Somaliya.
Madaxweyne Biixi ayaa wax la aqbali karin ku sheegay go’aankaasi kasoo baxay Sacuudiga, kaasi oo ay dhoofka xoolaha Somaliland ku xirtay in Dowlada Federaalka ay kasoo qaadato warqada caafimaad ee xoolaha laga dhoofinayo dekedda Berbera.
Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in ganacsatada reer Somaliland aysan marnaba ogolaan doonin shuruudahaasi uu Sacuudigu ku xiray dhoofinta xoolaha Somaliland.
Dowlada aan weli la aqoonsan ee Somaliland ayaa iyadu inta badan la kulanta caqabado noocan ah oo lagu xirayo inay ogalaansho kasoo qaatan dowlada Somaliya, inkasta oo ay ku doodo inay ka go’day Somaliya inteeda kale, balse ilaa hadda caalamku wuxuu u aqoonsanyahay maamul ka tirsan Somaliya.