Ruushka oo taageero buuxda u balan qaaday wadamada Afrika ee dagaalka ku la jira argagixisada
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay inuu siinayo wuxuu ugu yeeray “taageero buuxda” wadamada Afrika ee dagaalka kula jira argagixisada
Balan qaadka madaxweynaha ayuu ka jeediyey wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Serge Lavrov shir madaxeedka wasiirada arrimaha dibada Afrika iyo Ruushka ee Sochi.
Dhowr dowladood oo Afrikaan ah ayaa xiriirka u jaray xulafada soo jireenka ah ee reer galbeedka, waxayna raadinayaan Moscow si ay uga caawiso sidii ay wax uga qaban lahayd weerarada joogtada ah ee mitidiinta.
Intii uu socday shir madaxeedka, wasiirka arrimaha dibadda Burkina Faso, Karamoko Jean-Marie Traoré ayaa sheegay in Ruushka uu yahay saaxiibka caalamiga ah ee ku habboon dalalkii hore ee gumeysiga, Faransiiska.
Ruushka ayaa taageero u muujiyey dalalkii uu afgambigu ka dhacay ee Burkino Faso, Mali iyo Niger, halkaas oo hoggaamiyaal ciidan ay talada la wareegeen.
Shir madaxeedka ayaa ahaa heer wasiir arrimo dibadeed iyadoo sidoo kale madax badan oo Afrikaana ay ka qayb galeen shirkii isbahaysiga dhaqaale BRICS kaa soo isna dhawaan ka dhacay Ruushka.