Dawladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleed-yadu waxay isku hayaan Qodobo aan ku jirin Dastuurka ,, Siyaasi Yuusuf Garaad
Hargeysa (OWN) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay muranka ka dhex aloosan Dowladda dhexe iyo Maamul gobaleedyada dalka.
Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in murankaasi ay kamid yihiin qodob aan ku qorneyn ajendayaasha wada-hadalkooda iyo go’aamada hawada la isku marinayo.
Garaad ayaa sidoo kale waxa uu dhaliilay qoraalada kasoo baxaya maamulada ee ku qoran afka qalaad, isagoona xusay in uu jiro tuhun iyo damac ku shubasho doorasho.
“Muranka Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka mid ah qodob aan ku qorneyn ajendayaasha wadahadalkooda iyo mowqifyada hawada la isu marinayo ee qaarkood uu ku qoran yahay afka ajnabiga la isku dacweynayo” ayuu ku yiri Yuusuf Garaad qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Wuxuuna intaas kusii daray “Waa tuhunka uu midba midka kale ka qabo in uu damacsan yahay in uu gacanmaroojin iyo ku shubasho uu ku soo saaro Xildhibaannada Baarlamaanka 2020 iyo waxa xiga”.