Shirkadda Navistar oo la siiyey heshiis ku kacayo $26 Malyan Si ay Somalia U keento Gaadiidka dagaalka

Muqdisho (OWN) – Sida lagu qoray Wargayska Defenceweb,  Shirkadda soo saarto Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee lagu magacaabo Navistar ayaa  la siiyey mashruuc ay gaadiidka dagaalka ku geyneyso Soomaaliya .

 

25 kii Bishan November ayaa shirkadda Navistar la siiyey Heshiis ku kacaya $26 748 087 Milyan oo dollar oo ay ka heshay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, waxaana lagu sheegay Heshiiskaas inuu yahay mid Qiimihiisu go,an yahay.

 

Shirkadaan ayaa lagula heshiiyey inay Ciidanka Soomaaliya usoo saarto laba nooc oo ah gaadiidka ciidamada oo dhex dhexaad ah oo ah kuwa ganacsi ahaan loo soo saaro gaar ahaan noocyada 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck oo wato qalabkii lagu dayactiri lahaa.

 

Sida Heshiiskani dhigayo Shirkadan ayaa laga doonayaa inay Gaadiidkaas iyo qalabka dayactirka ay Soomaaliya gaadhsiiso sanadkan 2022 laguna wareejiyo Dowladda Soomaaliya.Gaadiidka la filayo inay Shirkadan Soomaaliya keento ayaa waxaa kamid ah 7000-MV oo ah kuwa Gaadiidka Xamuulka Qaada.  Inta Badanna Ay isticmaalaan  Ciidamada Dowladaha Adduunku.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker