UK Iyo Kenya Oo Sheegay Inay Dhisayaan Xarumo loogu hortagayo Weerarada Al-Shabaab

Wakaalada Wararka Ee dalka Turkiga ee Anado ayaa daabac in dowladaha Kenya iyo Uk ay ku hesheeyeen in ay dhisan Xarumo argagxiso, kuwaasi oo lagula dagaalamayo Al-Shabaabka ka dagaalamaya dalka, waxaana laga hergelin doonaa Magaalada Mombasa dalka Kenya.

 

Wakiilka UK ee u fadhiya dalka Kenya Nic haily ayaa waxaa ay sheegtay in ujeedka qorshan uu yahay sidii loogu hortagi lahaa weerarada dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

 

“Waxaan aragnay Bilihii u dambeeyay iyo sanadihii u dambeeyay saameeynta argagixisadda, waxay ku dhufatay Uk iyo halkaan Kenya, dhawaana Sri Lanka” ayay Tiri Nic haily.

 

Dhismaha xarunta ayaa waxaa ku bixi doono lacag dhan 600, 000 oo dollar, taasi oo loogu tala galay ka hortaga Argagxisida.

 

Magaalada Mombasa ayaa waxaa ay qeyb tahay Meelaha ay Al-Shabaab weerara ka geystaan, iyagoona Al-Shabaab soo maraya Xadka ay Wadaagaan soomaaliya iyo Kenya.

 

Deegaanka ayaa waxaa loo arkayaa inuu yahay goobaha laga qoro xubnaha ka mid noqonaya dagaalamayaasha Al-Shabaab, maadaama ay u dhow Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker