Laba Somali Ah Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Afduub Loo Gaystay Haweeney Talyaani Ah

Wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Baadhayaasha Boliska xog-wareysi la leeyihiin 3 qof oo lala xidhiidhinayo  Hawlgalkii bishii hore lagu afduubtay Muwaadinad u dhalatay Talyaaniga oo lagu magacaabo Silvia Romano.

 

Boliska waxay shalay Maxkamadda hor geeyeen Eedeysanayaasha kala ah Dumal Xaaji Cusmaan, Xasan Barrow Khamiis iyo Ruqiyo Nuuno.

 

Garsooraha Maxkamadda magaalladda Malindi, Julie Oseko waxay oggolaatay Codsi ay Baarayaasha ku doonayeen in loo oggolaado in ay Eedeysanayaasha sii hayaan ilaa bishan December 14-da, si ay u soo dhamaystiraan Baadhitaankooda.

 

Eedeysanayaasha waxaa lagu soo oogi doonaa inay gacan siiyeen kooxihii qafaashay Haweeneyda u dhalatay Talyaaniga, taasi oo bishii hore ee November 20-dii laga qafaashay Gobalka Xeebta ee dalka Kenya.

Silvia Romano.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker