Gabadhii Shalay Laga Afduubtay Muqdisho Oo Lasoo Badbaadiyey

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay gabadh maalintii shalay laga soo afduubtay magaalada Muqdisho.

 

Gabadhaasi oo lagu magacaabo Hibo Maxamed Xasan ayaa shalay subaxdii laga soo afduubtay xaafadda Shanta Geed oo ka tirsan degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, taasi oo si qasab ah uga wateen rag hubeysan oo watay gaadhi.

 

 Hibo ayaa waxa qoyskeeda ugu maqal dambeysay waxyar un kadib markii ay shalay raggaasi kaxaysteen , iyada oo wicitaan ugu sheegtay hooyadeed inay wateen dad aysan aqoonsaneen, wixii intaasi kadambeeyayna la waayey.

 

Hibo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, xili ay iska dajiyeen raggii hore u afduubtay oo lagu soo waramayo inay ka baqeen  dhaafinta kantorool ciidan oo ku yaala afaafka hore ee Guriceel.

 

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gabadha ay gacanta ku dhigeen ciidamadaasi, kuwaasi oo ku wareejiyay maamulka Guriceel oo goordhoweyd lasoo xiriiray qoyskeeda.

 

Hibo oo muddo ku dhow 35-saac ka maqneyd qoyskeeda, isla markaana la weysanaa maqalkeeda ayaa maamulka Guriceel uu qoyskeeda dib ula hadashiiyey.

 

Falalka afduubka ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayey magaalada Muqdisho, iyada oo marar kala gedisan loo soo qabtay shaqsiyaad lagu tuhusan yahay inay xiriir la leeyihiin, wallow aysan wax badan ka badelin.

Hibo Maxamed Xasan

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker