Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Oo Tacsi ah u Dirayaa Qoyskii Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Waxa uu Dhambaal Tacsi ah u Dirayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo Magaca Saldanada Geerida Ku Timi Taliyihii Ciudanka Booliska Somaliland Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Maanta lagu Aasey Magaalada Hargeysa, Waxaanu Suldaanku ilaahay uga Baryayaa in uu Janadii Fardawsa ka Waraabiyo Marxuumka Guud ahaana Qaranka Somaliland Shicib iyo Dawladba Samir iyo Iimaan kasiiyo, Sidoo kalen Illaahay Samir Saadiq ah kasiiyo Qoyskii Qaraabadii iyo Ehelkiisii iyo Dhamaan Ciidamada Booliska Somaliland ee uu Taliyaha u ahaa.

Sidoo kale Waxa uu Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Madaxweynaha Taladda Haya Muuse Biixi Cabdi Tacsida uu u Direy Kadib Usoo Jeediyay in uu Taliyaha Ciidanka u Magacaabo Taliyaha Qeybta Bariga ee Hargeysa (Ina Xasan Qarbash)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker