Wabi Karkaarada Jabsaday Oo Dad Badan Ku Laayay Dalka Talyaaniga.

Sicily-(OWN)-Labo qoys oo Talyaani ah ayay dhibaato wayn soo gaadhay ka dib markii uu karkaarada jabsaday wabi, kaas oo sababay in uu ka kor maro guryihii ay daganaayeen ee magaalada Sicily.

Guriga ay biyuhu galeen ee masiibadu ka dhacday

Sagaal ruux ayaa dhacdadaas ku dhimatay dhacdadaas, waxayna isugu jiraan carruur da’doodu kala tahay hal sano, saddex sano, 15 sano iyo waaliddiintood. Saddex ruux oo guryaha ka maqnaa ayaana badbaaday.

Saddex ruux oo kalana waxay dhinteen markii ay biyuhu qaadeen gaadhigii ay watteen oo marayay koonfurta jasiiradda.

Geedo badan oo waqooyiga Talyaaniga ku yaalay ayaa go’ay

Maalmo ay mahiigaanno da’ayeen, dabaylo xoogganna ka dhacayeen Talyaaniga waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 ruux oo badankoodu ku sugnaa waqooyiga iyo galbeedka.

Waxyeellada ugu waynna waxay gaadhay waddooyinka agagaarka Belluno ee gobolka waqooyiga Veneto, maalmo ay socdeen dabaylana waxaa waddooyinka jaray ciid, dhagaxaan iyo biyo.

Biyaha wabigan wax halis ah ma galinin guryahan wixii ka horreeyay masiibadan

Lix gobol ayaa feejignaan la galiyay waxaana ka mid ah Veneto ilaa Sicily iyo Sardinia oo dhanka koonfurta ah.

Masiibada Casteldaccia ayaa dhacday habeennimadii Sabtida.

Gobolka Veneto ee dhanka waqooyiga ayaa feejignaan la galiyay ka dib maalmo ay roobabab iyo dabaylo ka jireenGobolka Veneto ee dhanka waqooyiga ayaa feejignaan la galiyay ka dib maalmo ay roobabab iyo dabaylo ka jireen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker