Madaxtooyada Somaliland Maxaa ku soo Kordhay?

Hargaysa-(OWN)-Hab maamuuska madaxda iyo wufuuddu, waa nidaam caalamiya oo haddii wax ka dhantaalmaan ay dhici karto inay dalalka iyo ururrada caalamiga ah ka dhex dhaliso xurguf siyaasadeed oo wax u dhimi karta labada dhinac ee is booqanaya.

Qoddobada ย hab-maamuuska qaabilo madaxda dowladaha, urrurada goboleedyada ย iyo ย kuwa caalamiga ahi, waa dhaqan isku xidhan oo ย u baahan in si feejiganย  oo laga baaraan-degay loo asteeyo, waxaana ka mid ah qodobbada aadka loo xaaleeyo; ย calanka loo dhigo wufuudda, Salaanta, qaabilaada madaarka iyo xataa qaabka loo wada fadhiisanayo.

Waxa baratakoolku ku turjumaa xidhiidhkaย  diblomaasiyadeed iyo iskaashi ย ee ka dhexeeya dhinaca ย martida ah ย ย iyo waddanka martida loo yahay.

Haddaba, haddii aan u soo noqdo dullucda qoraalkan, waxaa Isniintii maanta kamaradaha iyo qalabka warbaahinta ka soo baxay muuqaal si weyn uga duwan hannaankii iyo goobtii uu Madaxweynaha Somaliland ku qaabili jiray madaxda iyo wufuudda ka socota caalamka, waxa ย sawiradu soo saareenย  madaxtooyada Somaliland oo ย dabaqday mid ka mid ah nidaamka caalamiga ah ee madaxda loola fadhiisto.

Madaxtooyadu waxay ย ย gabi ahaanba beddeshay habkii qadiimiga ahaa ee xafiiska madaxweynaha lagula kulmi jiray wufuudda heerarka kala duwan leh, oo madaxweyneyaashii Somaliland soo maray ay la fadhiisan jireen ย xafiisyadooda ย oo ka duwan kuwa loogu talogalay in lagula xaajoodo madaxda martida ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ooย  maanta qaabilayย  ergayga cusub ee qarammada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Nicholas Haysom oo socdaalkiisii ย ugu horeeyey tan iyo markii uu dhowaan la wareegay xilka ku ย ku yimid Somaliland, ayaa noqdayย  weftigii u horreeyey ee nasiibkiisa ku soo beegmay isbeddelkan madaxtooyadu ku talaabsatay.

Madaxweyne Biixi iyo danjire Nicholas Haysom waxay fadhiisteen laba kursi oo is dhinac yaalla oo uu u dhexeeyey ย miis yar , waxaana madaxweynaha ย dhabartiisa sudhnaa calanka Somaliland, halka ergeygana uu daboyaalay calanka qarammada midoobay!

Sidoo kale, waxa soo jiidasho lahaa madaxdii kale ee ka kala socotay labada dhinac ย oo si siman u fadhiistay laba goobood oo iska soo horjeeda oo ku dhow halkii ay fadhiyeen madaxweynaha iyo danjiruhu.

Saxaafadda bulshada iyo goobaha barkulanka bulshadu ku haasowdo, ย ayaa markiiba la isku wareejiyey, lagana dooday ย isbeddelkaas yar, laakiin aan hore uga jirin Somaliland.

Waxa falaqeeyeyaashu ay ku taliyeen in minbirka lagu qabto shirarka jaraaโ€™id ee madaxtooyada laga dhigo laba mikarafoon, halka ay Wasiir Sacad iyo Danjire Haysom ay iska daba sugayeen ย hal mikarafoon iyo hal minbir.

Dadka rayโ€™igooda ka dhiibtay mowduucani ย waxay u arkayeen talaabo hore loo qaaday oo ka turjumaysa in xukuumadda sannad jirsanaysa ee Muuse Biixi, ay ย ku hirgalinayso habmaamuuska martida ย isla markaana hindisahani qayb ka noqon karo ย himiladda madaxweynaha ee ku wajahan taabogalinta hannaanka maamul wanaagga.

W/Q :Cumar Maxamed Faarax

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker