Madaxweyne Muuse Biixi oo Qandaraas Lacag Badani ku Baxayso Siiyey Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar oo uu Madaxweynuhu Adeer u yahay
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qandaraas ku siiyey Wiil uu adeer u yahay oo ganacsade ah iyo fanaanka Maxamed Siciid Bk, dhaqaale xadigiisu badan yahay inay lixda gobol ee Somaliland uu fanaanku bulshada kaga wacyi-geliyo bulshada qabyaalada, isla markaana kusoo qabto bandhig fanneedyo Lacag la’aan ah.
Fanaanka Maxamed Siciid Bk iyo ganacsadahan kasoo jeeda qoyska madaxtooyadda, ayaa qorshahan lagu siiyey Lacag 100’000, Dolar ah, iyadoo hadda lacagtaa loo sii daayey 50,000, Dolar oo lagu soo samaynaayo bandhig faneedyada lixda gobol. Iyadoo qorshahan wacyigelinta ee bandhig faneedka todobaadkan lagu qabtay Habeenkii Hargeysa huteel Crown ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland.

Sidoo kale,waxa uu Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar Kamid ahaa gacan-yarayaashii Madaxweyne Muuse Biixi u dirsaday boobkii doorashada, isaggoo maalmihii Codbixinta todobaadyo ka hor joogay Magaalada Boorama, halkaasoo uu geeyey Waraaqo dheeraada, isla markaana qayb ka ahaa isagga iyo ganacsadaha kalee fidmada ku suntan Maxamed Aw Siciid ay shacabka danyarta ah ee reer boorama ka iibsanayeen Kaadhadhkii Codbixinta
Si kaataba ha ahaatee, tallaabadan ayaa noqon doonta mid aan waxba soo kordhin, waayo? Somaliland umma baahna fanaan u heesa, hase-yeeshe waxay u baahan tahay Cadaalad iyo sinnaan iyo weliba talaabooyin cadcad oo ah inuu Madaxweynuhu isbedel Sal-balaadhan oo aan dhinac ka rarayn ku sameeyo Xukuumadan xashiishka ah ee u Urursaday. Hadii’se aqoonta iyo garaadka Madaxweynuhuu dhaafi la yahay heesaad wax ku daweyn, habeenna muu jirin Somaliland gacantiisay ku burburaysaa.
