Madaxda hogaaminaysa Debed baxyada Dalka Sudan oo Ku hanjabay inay sii tubnaanayaan xarumaha milatariga

Dadka soo abaabulay dibadbaxyada dalka Sudan ayaa sheegay in hor tubnaanta afaafka hore ee xarumaha milatariga Khartuum ay sii socon doonto ilaa iyo inta ay socoto dadaalada lagula xaajoonayo milatriga.

Xubin ka tirsan golaha milatriga oo dalka maamul ayaa kolsii horeysay u sheegay BBC inaysan aqbali doonin aqlabiyad rayid ah oo qeyb ka noqoto golaha cusub ee maamili doono dalka.

Haatan waxaa cad in generaalada haya xukunka dalka Sudan aysan dan ka lahayn inay xukunka wareejiyaan.

Waxay yeesheen kulamo muhiim ah waxayna aqbaleen in dhammaan kuraasta xukuumad kumeelgaar ah la siiyo kooxaha matalaya rayidka.

Balse waxay sheegeen inay tahay in golle sare oo milatari ah uu xukuumadda lasoo dhisi doonouu kor kala socdo, taasi oo noqoneyso mid ka kooban kooxo rayid iyo milatari la isku dhafay.

Generaalada ayaa ku adkeysanaya inay ku yeeshaan gollaha lasoo dhisi doono ugu yaraan boqolkiiba 50%.

Xitaa haddii heshiis laga gaaro dhismaha golle sare, waxaa adkaan doono in dadka Sudan lagu qanciyo inay helayaan isbeddelkii dhanka hoggaanka ahaa ee ay doonayeen mudadda dheer.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker