Guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka JSL Oo Saluug Weyn Ka Muujiyay Xubnaha Uu   magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi

Guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka Somaliland Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac ayaa ka hadlay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka oo uu maanta magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu saluug weyn ka muujiyay xubnaha uu shalay  magacaabay Madaxweynuhu oo uu sheegay in aanay u qalmi xilalka loo magacaabay.

 

Halkan hoose ka akhri qoraal uu Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebook-ga:

Aqoontu waa ku khasaare Somaliland.

Waxaan ogaa dadka aqoonta iyo karaamada leh ee xubinimada Komishanka Xuquuqal Insaanka doontay markii la xayaysiiyay. Dad aqoon, khibrad iyo dadaal badan. Dad daacad ah. Nasiib darro waxa laga door biday dad aan ehel u ahayn (inta aan ka aqaan dadka la magacaabay hal qof ayaa u qalma). Dadka xilalkaas doontay markii la soo xayaysiiyay waxa ka mid ah kuwo aan weligood xil dawladeed doonan waxna u aqoon. Waxay is yidhaahdeen mar hadii la xayaysiiyay waa 1. caddaaad 2. dalkiina wax u qabto. Iyaga waan uga tacsidaynayaa.

Dadka la magaacabay waxa ka mid ahaa qof shaqo dawladeed oo hore looga eryay eedo musuq.
Si aan la isu huursan waxaan ku talo jiraa inaan soo bandhigo profile ka qof walba oo ka mid ah 7 xubnood si aad u kala bartaan kuwa fiican iyo kuwa kale. No more qarsi.

Waxaan ku baaqayaa in lagu noqdo xeerka oo loo xulo sifo sharciga waafaqsan xubnaha. Dadkii soo xaraystay ee faraha badnaa waxa lagu kala reebay, hanaanka loo maray iyo waxa kuwani ku soo baxeen intaba si daah furan waa in loo soo bandhigaa.

 

Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker