Xukuumadu Somaliland oo Shacbigeeda U sharixi kariwayday Mad-madawga Soo Galay Shirkada Fulinaysa Mashruuca Sifaynta Shiidaalka?
Hargeysa(OWN):-Tobankii bishan April madaxweyne xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil (Saylici) oo hoggaaminayo wasiirro dhawr ah oo xukuumadda ka tirsan ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu tilmaamay maalgashigii ugu weyna ee Somaliland laga hirgelinayo oo ah warshad sifaynaysa Saliidda Qaydhiin.
Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada Berbera ama gobolka Saaxil oo munaasibadda ka hadlayay waxay si weyn ugu faaneen in warshaddani tahay mashruuca ugu weyn iyaga oo qaarkood gaadhsiiyay in ay Afrikaba meelo kooban arrintan oo kale ka hirgashay.
Hase ahaatee su’aalo waaweyn ayaa ka taaggan jiritaanka shrkaddan; su’aalaha taaggan ayaa kala ah in shirkadda laga leeyahay Singapore iyo in laga leeyahay Shiinaha maaddaama la sheegay in laba shirkadood oo la kala yidhaahdo Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD (SNSSEC) iyo China Power. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay yihiin shirkado jira. Waxa kale oo aan la ogayn shidaalka Qaydhiin ee ay sifaynayaan midka uu yahay.
Warbaahinta Somalilandchronicle oo baadhitaan xeeldheer ku samaysay jiritaanka shirkadahan ayaa warbixin dheer oo Af Ingiriisi ah oo ay arrintan ka qortay ku sheegtay in aanay jirin xog laga hayo jiritaanka shirkadahan marka laga reebo shirkad ku magac dhaw Singapore New Silk Somaliland Energy CO LTD oo magaceedu yahay Singapore New Silk Energy PTE. LTD taas oo la aasaasay sanadkii 2018 laakiin, aan la aqoon meelo ay ka soo shaqaysay.
Masuul shirkadda u hadlay oo ka hadlayay munaasibadda dhagax dhigga ayaa sheegay in shirkaddani shaqadan bilawday sanadkii 2017. Waxa kale oo uu sheegay in mashruucani bilaw u yahay isku xidhnaanta Somaliland iyo Singapore laakiin, waxa jira arrimo kale oo mashruuca la xidhiidhinaya Shiinaha oo ay ka mid yihiin in mashruuca ay qayb ka tahay in 300 oo dhallinyaro ah lagu soo tababari doono Shiinaha kuwaas oo madaxweyne xigeenku sheegay in ay noqon doonaan kuwa ku jira mashruuca Shaqo Qaran.
Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka hadlay su’aalaha la iska waydiinayo mashruucan ayaa u muuqda in aanay wax aqoon ah u lahayn shirkadda iyo shidaalka la sifaynaya halka uu ka imanayo.