Dalal Yurub Ka Tirsan Oo Aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya
Warar sheegaya Dalal ay ka mid yihiin Belgium iyo Luxembourg ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay aqoonsadeen Baasaboorka dalka Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somaliya ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya dalalkan lagu tagi karo Baasaboorka Soomaaliga.
Arrintan ayaa waxaa si wadajir ah uga shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Labadaan wadan ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo dhibaato ku qabay arrimaha baasaboorka iyo Socaalka, hayeeshee tan ay wax walba u fududeyneyso.
Horay ayaa waxaa Baasaboorka Soomaaliya u aqoonsaday Wadamo badan oo uu ka mid yahay dalka Norway.