Maxaa Ka Jira In Turkiga oo lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Soomaalida

Muddo sanado ah, Soomaalidu wax badan ayay ku soo kordhiyeen dhaqaalaha Turkiga, balse hadda waxaa lagu hayaa bartilmaameed iyo xadgudub joogto ah, taasoo salka ku haysa nacaybka soogalootiga sida laga soo xigtay hay’adda IFFRAS.

Hay’adda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Kanada, ee International Forum for Rights and Security (IFFRAS), ayaa ku tilmaantay wadanka Turkigu mid danayste ah oo ajande u gaar ah ka leh Soomaaliya sida geoeconomics iyo geopolitics.

Halkii uu Turkigu u fududayn lahaa horumarka Soomaaliya waxa uu u adeegsaday shirkado ay dawladdu maalgeliso si ay hantidooda uga faa’iidaystaan, kuwaas oo dhammaantood qayb ka ah dabinka horumarineed ee huwan magaca diinta ayay hay’adu warbixinteeda ku sheegtay.

Toban sano ka hor sanadkii 2011, madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka soo degay magaalada Muqdisho, iyadoo ay halkaasi ka dhacday abaartii ugu darneyd ee soo marta Soomaaliya.

Muddadaas, ku dhawaaqistiisa mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin duullimaadyada Turkish Airlines ay ku imanayso caasimadda Soomaaliya, dib u habeyn lagu sameeyay isbitaal, furitaanka safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa muujisay in howsha Turkiga ay ka gudubtay gargaar iyo in Ankara ay tahay beddelka deeq-bixiyeyaasha dhaqanka ee Soomaaliya. Booqashadan taariikhiga ah waxa uu ku kasbaday Erdogan ammaan sare dhammaan Soomaaliya.

Toban sano ka dib, Soomaalidu waxa ay bilaabeen in ay gartaan in Turkigu uu ka soo baxay saaxiibbo una gudbay cadaw, ka ganacsigii oo uu noqday ilaaliye ganacsi, laga soo bilaabo dhisme dawladnimo oo uu noqday qaswade toos ah, ayay qortay  IFFRAS.

Soomaalida ayaa dukaamo iyo shirkado latalin oo kala duwan ku leh Ankara. Sidoo kale waxaa waddooyinka kala duwan ee caasimadda lagu arkayaa maqaayado, Timo-jareyaal, Suuqyo, goobaha lagu qurxiyo dumarka oo ay leeyihiin ganacsadata Soomaaliyeed.

Bishii Abriil, 2021, wargeyska garabka midig oo can ku ah tebinta soogalootiga, wuxuu ku soo bandhigay goobtaan warbixin cinwaan looga dhigay “Xarunta Ankara waxay noqotay Soomaaliya”, warbixintu waxay sheegtay in ganacsatada iyo magangelyo-doonka ka yimid Soomaaliya ay gabi ahaanba u beddeleen laba waddo “wadankooda”.

Ilaa dhawaan, warbaahinta dowladda Turkiga ee taageerta waxay ahayd mid si weyn looga hadal hayay ka qayb qaadashada dhaqaalaha Turkiga ee ganacsatada Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, waayadan dambe, xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa Turkiga ka noqotay meel lagu dhibaateeyo.

Wixii markaas ka dambeeyay, booliiska oo xidhan dhar cad ayaa billaabay in ay booqashooyin joogto ah ku tagaan goobaha ganacsi ee ay Soomaalidu ku leedahay goobtaan, iyagoo sameynaya baaritaanno aqoonsi iyo in ay dhibaateeyaan macaamiisha, sida ay sheegtay IFFRAS.

Bishii Sebtembar 2021, dhacdo argagax ku beertay xaafadda, boolisku waxay xireen oo ay ku amreen in la tarxiilo dhowr qof oo Soomaali ganacsi ku lahaa xaafaddaas, taasoo ku qasabtay in ay iibiyaan ganacsigooda ama ay gebi ahaanba xidhaan.

Dhacdo aad loola yaabay ayaa waxa si qasab ah lagu burburiyay boorarka dukaamada ay ku qoran yihiin magaca ‘Soomaaliya’ ama erayada af-soomaaliga ku qoran oo lagu beddelay magacyo Turki ah sida; Somali Sofrasi waxay noqotay Guzelyurt Sofrasi.

Soomaalida iyo dukaanleyda ayaa ku andacoonaya in boorarka wax lagu badelay markii ay cadaadis kala kulmeen ciidamada ammaanka, iyadoo dhanka kale saraakiisha ammaanku ay sheegeen in wax kala gadashadan oo kale ay ka timid dowladda hoose, isla markaana aysan wax war ah ka haynin arrintan, sida ay sheegtay IFFRAS.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, dadka Soomaalida ah ee soo gala waddooyinka ayaa si qasab ah loogu kaxeeyaa saldhigga sababo ay ka mid yihiin codsiyo aqoonsi, waxaana la sii daayaa kadib markii la sugayay muddo saacado ah. Macaamiisha Soomaalida ayaan hadda dareemeynin ammaan imaanshiyaha waddooyinka dhaqamadan dartood.

Ganacsatada Soomaalida waa la dhibay. Dadku ma rabaan in ay mar dambe maalgashadaan Turkiga ayaa lagu sheegay warbixinta.

Ilo xog ogaal ah oo la socda fikirka booliska ayaa u sheegay in maamullada maxalliga ah aysan dooneyn in Soomaalida iyo ganacsigooda ay ka muuqdaan bartamaha magaalada Ankara.

Shisheeye naceybka ayaa ku sii badanaya dalka Turkiga, booliskana ma rabaan Soomaalida ku nool Kizilay. Waxay rabaan oo kaliya in Soomaalida aan lagu arki karin bartamaha magaalada, ayay tiri IFFRAS.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker