Xukuumadda Somaliland oo Mamnuucday in Lala soo Dego Qalabka Macdanta
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somalilan d ayaa mamnuucday in lala soo dego ama lagu adeegsado dalka gudihiisa qalabka macdanta lagu isticmaalo.
Wareegto uu soo saaray wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa lagu sheegay in wasaaradda Tamarta iyo macdanta oo gudanaysa waajibkeeda shaqo in dalka laga mamnuucay qalabka Macdanta.
War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska wasiirka waxa lagu bayaamiyey saddexdan qoddob ee hoos ku xusan:-
- Iyadoo laga hortageyo dhibaato ka iman karta soo galida waddanka qalab aan u diwaangashanayn hay’daha ku shaqada leh, wasaaradda tamartu waxay joojisay in waddanka la soo galiyo qalabka macdanta ku lug leh oo aan ogolaashiyo ka haysan wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.
- In wixii qalab ah ee la xidhiidha Macdanta laguna haysto dalka gudihiisa laga diwaangaliyo wasaaradda Tamarta iyo Macdanta muddo 30 maalmood ah .
- Laga bilaabo dhammaadka 30kaa maalmood oo ku beegan 21ka bisha 11-aad 2018ka qalabka aan diwaangashanayn wuxuu noqonayaa sharci daro,waxaana laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.”