BAARLAMAANADA SOMALILAND WAY KHAA’ISEEN MARKII DOORASHO LA’AAN AY NOQDEEN XUKUUMADDII EEGATAANA WAY LA KHAAISAYSAA
Madaxweyne Muse Biixi markay khasab gudoomihiyihii Kulmiye, murashaxii Kulmiye iyo Madaxweyne nimadii u xidhay Xukuumaddii uu Siilaanyo Ka xanuunsaday Waxaa markaa Miiska SOMALILAND sarnaa arimo muhiima oo dhawr ah ay ugu horaysay in ummaddii masiirkeeda la farasaaray ee qabiilooyinka loo qaybiyey in dib loo soo dhiso (public confidence)kooda (sychological, spiritual and emotional) .in madmadawgii dulsaarnaa Dekedda Berbera iyo Military Base Ka loo caddeeyo ummadda Lana taabsiiyo waxay KU bedesheen. In BAARLAMAANADA inagu Dul khaa’say ee urta badani kasoo baxayso la dareeriyo, in ictiraafkii oo duugoobay Commission u qalma loo sameeyo. In danguud boobkii DHACAY ee maalkii ummadda Xawaaladaha lagu shubtay wax laga soo celiyo (geel caruuri qaaday ma dheera e), in Saami qaybsiga la wanaajiyo wuxu waa bariis Gacanta la gelinayee cidiba dayaxa tegimaysee oo gunni mada laga yaqyaqsoodo OO SOMALILAND la wadayeesho cidhif Illaa cidhif.ย Sicir barar kii oo aan loo dhaqaaqin.Weli Xukuumaddii Muse Biixi ummay dhaqaaqin arimihii wadanku wadan KU noqonlahaa ee dhinac kale ayey u kacday oo aad u liita sida yeedhyeedhida Ethiopia iyo Imaaraadka oo dhulalkii Somalida yidhi waa RAQEEY oo Dekedihii KU duulimaad ah Dekedda Jubaland waa Kismaayo e oo iyadu XINIINYO DABADOOD KU TAAL OO WAXBA LAGU FALIWAAYEY MOOYEE.ย MUSE Biixi hoos u dhaadhaca ha Ka noqdo labada arimood ee u dambeeyey BA waa kiisas Suldaanada iyo Caaqiladu dhamayn karayeen midi waa tii ina Geelaha DJABOUTI uu SOMALILAND Ka dhex kaluumaysanayey ee Wershadeenna Qudha UU xidh is yidhi, ta Kala a waa Dhulkan dadka masaakiinta ahi deganayeen ee Xuukuumaddu caddaysay Inay Xoog kaga qaadayso , dhulka xoog waxaa dadka laga qaadaa marka Aafooyin qaran iyo dagaalo yimaaddaan ee haddii kale in arinta hoos loo dhammeeyo oo Gacmo Geeljire hoos baa loo dhaqaaayee dadka magdhaw wacan iyo shahaado Sharaf la siiyey ahayd.