Beesha Caalamka oo kulamo la leh Madaxda DFS, M/Goboleedyada iyo Musharaxiinta Soomaaliya

Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+ ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda dowladda Federaalka, kuwa Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulamada oo isugu jira mid toos ah iyo qadka Internet-ka gaar ahaan aalada ZOOM-ka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada 2021.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda, kuwa dowlad Goboleeyada iyo Musharaxiinta kala hadli doonta sida lagu xalin karo is marin waaga ka taagan doorashada oo horey heshiis looga gaaray.

Beesha Caalamka ayaa horey Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka ugu baaqday inay shir isugu yimaadan, si xal looga gaaro caqabadaha ku hor gudban doorashada, iyadoona weli arrintaas aan la fulin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la hirgelinayo doorashooyinka dalka, waxaana go’aankaas kasoo horjeeystay Musharaxiinta Madaxweynaha, iyagoona ka digay in la qabto doorasho ay ka maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker