“Kun Sano Haddii Aanu Weyno Ictiraaf Kuma Noqonayno Soomaaliya Iyo Midowgii Dhacay 1960” Xildhibaan Nacnac.

Hargaysa-(OWN)-Xildhibaan Nacnac ayaa ku nuuxnuusaday inay doonayaan in dowladda federaalka ay u aqoonsato dowlad iyada la siman oo kale.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland ayaa hadalkaasi xamaasadda leh ee maanta Biixi uu jeediyay ku taageeray.

Wuxuu sheegayaa in dowladda federaalka ay ka nabad heli la’yihiin.

Wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay in ay hakad galisay wada hadalladii u socday labada dhinac, kuwaasoo muddooyinkii dambe hakad galay.

“Kun sano haddii aan weyno ictiraafna kuma noqonayno Soomaaliya iyo midowgii dhacay 1960” ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu difaacay dalab ka yimid Somaliland oo ahaa in laba dowladood oo siman ay u wada hadlaan taas oo la sheegayo in wada hadalka arrimaha hakadka galiyay ay kamid tahay.

Xigasho:- Goobjoog

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker