Cali Xoor-xoor Hadimo iyo Horumar Midkeebu Kala Tagay Maamulkii Dekedda Berbera ee uu hayey 20-ka Sanadood…?. Qalinkii Faysal Cali Kayse.

Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-Xoor, oo muddo ka badan 20 Sanaadood marar Kala duwan soo hayey maamulka Dekedda Berbera,  ayaa noqday shaqsi u banbaxay, dagaalna kula jira Dekeddii uu maali-jiray inuu ka hana qaado horumar, si ay ula talaabsato Dekedda kale ee Geeska Africa. Waxa uu si aan gabasho lahayn uga soo horjeeda dib u dhis ama balaadhin lagu sameeyo Dekedda Berbera, isla markaana waxa uu u xuubsiibtay hagar-daamayn iyo turun-turooyin uu kaga soo horjeedo talaabo kasta oo wax loogu qabanaayo Dekedda.
Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera, Cali Xoorxoor shaqsi ahaan waa Siyaasi danayste ah, oo aan lahayn aqoon iyo takhakhus maamul, balse taas bedelkeeda waxa uu Cali Xoor-xoor caanku yahay ku tagri falka awooda maamul markuu hayey, iyo ku tagri falka hantida umadda, oo aanu haba-yaraatee u aabbo-yeelin weligii.
Ex. Maareeye Xoor-xoor waxa uu lasoo shaqeeyey saddex Madaxweyne ama saddex Xukuumadood,hase-yeeshee sadexdaas dawladood midna waxqabadkeedii ciddi kumuu lahayn, sidoo kalena mudadaa ka badan 20-ka sanadood ma jirto wax la taaban Karo oo waxqabad noocuu doone ha noqdee uu kusoo kordhiyey.
Waxanu dakhliga kasoo baxa Dekedda Berbera inta uu Kala badho, badhna gayn jiray Madaxtooyada, badhka kalena waxa uu usii qaybi jiray laba qaybood, oo Kala ah, inuu jeebka ku shubto, guryo iyo ganacsi qarsoona kula sheer-garoobo ganacsatada waaweyn iyo badhka kale oo uu laaluush ugu qaybin jiray kooxo Guul-wadayaal ahaa oo usoo basaasi jirtay Merfeshyada Berbera iyo Hargeysa.
Cali Xoor-xoor, waxa uu dagaal toosa kula jiray shacabka Reer Saaxil oo u Kala dagaalamay dhinaca aqoonta, mudada intaas leeg ee u maareeyaha Dekedda ahaa, ma jirto inuu hal qof u diray waxbarasho dibadeed, waxaanu aaminsanaa hadii dadka deegaankaagu wax kugu bartaan waxay kaa qaadi doonan booska maareeyenimo ee Dekedda, taasoo ah fikir ama maskax ka madhan Diin iyo aqoon midna, sidoo kale ka fog Alla ka cabsi iyo inuu hilmaamsanaa inuu ku joogo qoraal xagga rabbi ah, Irsaaqadiisina ka dhamaatay markii laga eryey.
Waxa dhacday wakhtigii wadanka uu maamulayay Madaxweyne Cigaal Alle ha u naxariistii in mar laga qaaday Maareeyaha Dekedda Berbera, kaddib markii uu dhex dabaashay musuq-maasuq xadhkaha goostay, isla markaana hantidii qaranka ka dhigtay midduu jeebka ku shubtay. Hase-yeeshee odayaal uu laalush siin-jiray oo uga ergooday Madaxweyne Cigaal, ayaa sababay in dib loogu magacaabo Maareeyaha Dekeda, iyadoo sidii ah ayuu Madaxweyne Cigaal Geeriyooday. Xukuumadii Daahir Rayaalena dhinaciisa mabay eegin ee wuu la dhamaystay Cali Xoor-Xoor hanti uu leeyahay, ayaabu u qaatay Dekedda Berbera, waxanu ku kacay gabood falo badan iyo musuqmaasuq bilaa tudhaale ah.
Ma jirto tabaalo bulsho ku habsata oo ka weyn kana aafo xun musuqmaasuq iyo ku takrifalka hantida Qaranka ee umadda ka dhaxaysa.
Eng. Cali Xoor Xoor iyo maamulkiisii dekedda Berbera waxa ay ka mid ahaayeen baraha ugu madow ee dawladdii Rayaale, uguna aayaha xumaa, soo celintiisii Kulmiye na waxay lid noqotay rajadii iyo yidiidiladii la qabay Xukuumadii Axmed Siilaanyo. Hase-ahaatee waxa Cali Xoor-xoor Wedku noqotay markii Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo go’aansatay in la horumariyo Dekedda, waxanu waqtigaas Cali Xoor-xoor isku dayey inuu baajiyo heshiiskii Xukuumada la gashay Shirkadda hada maamusha ee Dp World, waxana lagu xasuustaa dagaalkii uu waqtigaas kaga soo horjeeday Horumar in lagu sameeyo Dekeddii ku dul-dayacantay, waxanu abaabulay Cali Xoor-xoor Shir-beeleed uu damacsanaa in go’aanka kasoo baxaa ahaado in Ciise Muuse dagaalamo,  hadii Dekedda la wareejiyo, balse waxa hor istaagtay Xukuumadii hore. Waxana halkaa ka raacday taarikh xumo tii ugu waynayd,  kaddib waxa laga eryey Dekedda Berbera maamulkeeda, waxa’se uu soo abaabulay kacdoono ka yimi shaqaalaha, haseyeeshee way fashilmeen, waxa kale oo sameeyey isku dayo baddan, waxana Kamid ahaa gubashadii Koontinarkii lagu dhex gubay Dekedda Berbera iyo sidoo kale borobagaandooyinkii Lagu kicinaayey dadka ee laga faafinayey Shirkada maamusha ee Dp World
Haddaba mudada intaa le’eg ee uu Cali Xoor Xoor maareyaha ka ahaa Dekedda Berbera, iska daa Waxqabad iyo baahida Dekeda inuu waxka qabtee waxa uu garan waayay inuu dekedda u sameeyo  websiteyar oo bal information-ka Dekedda laga ogaado oo dadka wax kala soo degaa ka ogaadaan.
Cali Xoor-xoor waxa Taarikhda ugu jirtaa waxqabadkiisiina ahaa hal gaadhi oo dab-damis ah oo uu dekedda u iibiyey isagoo u iibin karaayey 10 gaadhi oo dab-damis ah (For Health and Safety) ah, maxaa yeelay hal dabdamis kuma filnay Dekedda Berbera, waad ogaydeen wixii ka qabsaday markabkii ku gubtay Dekedda dhexdeeda iyo sidii loo bakhtiinayay xilligii uu maareeyaha ahaa.
La soco Qaybaha Dambe.
Qalinkii
Faysal Cali Kayse.
faysalkc008@gmail.com
London UK.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker