Xildhiba-yaasha iyo Xil-gabaha Boramow isha sacabka mariya Waxba yaaney ilmadu gabaxleyn geedka iyo xiddidku way kala go’anyihiin !! Dr.Khadar-Libaaxley.

Dawladnimada waxa ay ka aaminsanyihiin si yaqiin ah oo aan cilmi ku dhisneyn meel wax lagu dhaco oo wax lagu cuno, ninka aan intaa ku sifoobin Nacas buu xisaabsanyaha dhankooda ; Badi waxa ay ka mideysanyihiin had ba inta markaa raqda cunisteeda hishiis ku ah marka laga tago in kuwa kale war-baahinta ka xareediyaan gar iyo gardaraba sida la mid ah ( xeerka dhaqanka xayawaanka oo kale )!!.
Waxay caado iyo dhaqan u leeyihiin mid kasta iyo markasta oo aad la sheekaysato kali-kali iyo wadar ba Hadalkooda iyo sheekadooda oo dhextaal u ah ( Anaku siyaasiyiin baanu nahay !! Anigu xildhibaan la doortay baan ahey ) mudane akhriste aan kugu qadima e’ : siyaasigu ma magac lala baxaa mise waa hab-dhaqan loo bislaado xil-hay ama ha haynine?! kaaga darane munaasiba kuma ah soo dhexgalinta erayadan sheekada markaa socota ; Qaarkood waa ciroolayaal hab dhaqanka ciyaalka leh ee masuuliyad daradu ku dheehantahay, qaar waa dhalinyaro aqoon leh oo la islahaa halagu nasto balse ibaha araga fog iyo xil-kasnimada naafo ka ah taasi oo ay sabab u tahay aaminsanaanta aragtiyo iimeysan oo mideeyey iyo waayo aragnimo la’aan haysata, kuwo kalena waa haad laawayaal taab-gaaban oo aaney xataa istaahil ku aheyn ( xil-dhibe-nimadu ) waxba yaanan niyada idinka dilline waxase ku jira midhadh kooban oo damiir wanaagsan leh balse fursado la’ .

Gabagabo:
Dawlada iyo dadweynaha waxa laga rabaa in ay hubiyaan dadka masuuliyiinta laga dhigaayo nooc ay yihiin ba , sifaha lagu soo xulayaana noqdo 2dii sifo ee markii ( Nabi Yuusuf xilka qabanaayey ku sifoobey ee uu yidhi: ( INII XAFIIDUN AMIIN) yeelashada xafidida masuuliyada loo dhiibo iyo garashada iyo gudashada amaanada ummada.
Xil-gabaha Borama iyo Xil-dhibayaashiisuba waxa ay muujiyeen hab-dhaqan anshaxa iyo mil-gaha masuulnimo baal marsan oo u qaab eeg ( kii Cabdi-illey ) maal-mihiisii u dambeeyee tallada dawlad deegaanka somalida itoobiya; 2012 doorashadii dhacday reer Borama waxay cugteen xil-gabayaal u hab-dhaqan eeg noocyada shillinta ee galan-goolida, gabaareyda iyo garba diirta aan waxba reebayn; waa masuuliyad daro sideeda u taal.
Waan ku ammaanayaa Dawlada iyo gudiga dabagalka hantida ummada xil-gudashada fiican ee ay wadaan, waxa aan ku dhiirinayaa Reer Borama in ay garabsiiyaan Dawlada oo ay iska ridaan shillinta cuneysa iyo waraabayaasha, dawladuna waajibkeeda haka gudato cidkasta oo qallooc gallo; waliba sidaa hada Awdal loo bilaabey gobol walba iyo degmo walba in loo bilaabo oo ay ugu horeeyaan, ( Saylac, Gabiley, Hargaisa, Berbera, Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo ).

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker