Saadaasha doorashooyinka Somaliland

Aduunyadda waxaa ka jirta xaaladda xanuun ee loo magac bixiyey Covid-19 , taasoo sadhadan sidda fudud aduunyadda ugu sii faafaysa lala kadeedan yahay saamaynteeda balaadhan ee dhinac walba leh .

 

Itoobiya waxaa ka taagan xaalad qalalaase sharci oo salka ku haysa qabsoomid la’aanta doorashooyinkii la fileyey bisha sideedaad ee sanadkan iyo dhamaadka muddo xileedkii dawladda , taasoo aan distoorku qeexin waxa la yeelayo hadii mudada dawladdu dhamaato doorashaduna qabsoomi waydo .

 

Wadanka Maraykanka ayaa isna lagga warwarsan yahay in doorashadda madaxwaynaha iyo qaybo ka midda golaha baarlamaanku ay dib uga dhacdo bisha kow iyo tobnaad ee sanadkan , taasoo u muuqata in ay dib ugu siqi karto sanadka labada kun iyo kow iyo labaatanka ,hadii xaaladdu kasoo rayso .

 

Somaliland doorashooyin in badan baa dib loo dhigay iyadoo laggu dheel-dheelayee maanta xaalad dhaba ayaa taagan , waxaana iska cad in aan sanadkan doorasho iyo diiwaangelin midna aan la qaban karin .

 

Sidaa markay tahay , hadii doorashooyinku dib ugu dhacaan sanadka 2021 iyadoo aan diiwaangelin iyo diyaar garow jirin , waxaa dhici karta in qaarka horre ee sanadka 2022 doorashooyinku ku dhacaan , xiligaas oo waafaqsan muddo kordhintii horre goleyaaha loogu sameeyey .

 

Geesta kale , sanadka 2022 waxaa ku beegan doorashadii madaxtooyadda iyo muddo xileedkii axsaabta ee tobanka sanadood , taaso ah culaysyo isku biiray oo is dul rasaysmay .

 

Sidaa darteed , saadaasha doorashooyinka somaliland waxay ina tusaysaa in muddo kordhin madaxwayne iyo doorashooyinkii goleyaasha deegaanku noqon karaan filashada ugu macquulsan ee  2022 .

 

Axmed Nuur Guruje

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker