Real Madrid Oo Mushahar Waali Ah Kusoo Jiidanaysa Eden Hazard & Lacagta Ay U Qorsheeyeen Oo Badni Darteed Qalalaase Uga Dhex Dhalin Karta Qolka Labiska

 

Real Madrid ayaa u muuqata mid waxkasta u samaynaysa sidii ay ku heli lahayd saxeexa xiddiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard kaas oo ay haatan ka wareegeen qoddobka heshiiska una diyaariyeen lacago aad u heer sarreeya.

 

Marka laga yimaado wararka dhawaanahan soo baxayay ee sheegaya in lacagta uu Hazard ku heli doono Madrid ay ka hoosayn doonto midiisa Chelsea ee haatan haddana dadaalka ay Real Madrid ugu jirto saxeexa Hazard ayaan ahayn wax su’aal la gelin karo.

Los Blancos ayaa haatan kaliya 100 Milyan kula saxeexan karta Hazard iyadoo ay Chelsea hoos usoo dejisay qiimihiisii hore ee ahaa 116 Milyan-ka.

Wargeyska caanka ka ah dalka England ee The Sun ayaa sheegaya in Hazard loogu diyaariyay caasimada Spain mushahar dhan 24 Milyan sanadkii tusaale ahaan haddiiba uu saxeexo heshiis saddex sano ah.

Kaliya Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga kooxda soo maray ee helay mushahar heerkaas gaadhsiisan taas ayaana caddayn u ah sida ay Real u doonayso inay 28 jirkan uga dhigto hoggaanka safkeeda ee sanadaha soo socda.

Safka haatan ayuu ugu mushahar badan yahay xiddiga dhawaanahan nacaybka badan la kulmaya ee Gareth Bale oo 15 Milyan qaata sanadkii waxaana kusoo xiga Sergio Ramos oo qaata 10 Milyan waana mushahar ka yar kala badhka midka Hazard loo qorsheeyay.

Si kastaba ha ahaatee, In Hazard sidaas oo dhan uga mushahar badnaado ciyaartoyda kale ee kooxda ayaa sidoo kale saamayn karta qolka labiska oo muran ka dhalin karta sida horeba ugu soo dhacday kooxo badan oo waaweyn.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker