Dhakhtar Mishiin Qaaliya Ku wareejiyey Cisbitaal weyn : Muwaadin Dhab Ah

Xasan Ismaacil Yuusuf Wasirkii hore ee caafimadka Somaliland ayaa ku qorey buuga xasuus qorkiisa” Dhammaadkii 1999-kii, ayaa ka imid waddanka Ingiriiska, waxa aan imid magaalada Burco, waxa aan watay mishiinka wadnaha lagu eego EGC Scan, oo aan waddanka oolin, waxa aan doonayey in aan ku shaqaysto, nasiib-darro se, markii aan arkay xaaladdii dadka iyo middii dhakhtarka weyn ee Burco, waxa damiirkaygu ii diiday in aan dadka sidan u dhibban ka dhax shaqaysto.

Mishiinkii waxa aan ku wareejiyey, cisbitalka weyn aniguna waxa aan si bilaash ah u eegi jiray bukaannada la keeno, sidoo kale aan intii aan awoodo daweyn jirey.

Wefti uu hoggaaminayo madaxwene Cigaal ayaa Burco yimid, Wasiirka caafimaadkana waxa ahaa Alle ha u naxariistee Dr Cabdi Aw Daahir.

Cabdi, ayaa iga dhigay agaasimaha Hosoital-ka. Si ay bukaanku u kala gartaan shaqaalaha caafimaadka iyo dadka kale, ayaan dharka kalkaaliyeyaasha ee caddaanka ah u samaayey, deyrkii dhakhtarkana aan dhismihiisa samaynay.

Muddo kadib, mar ay Alle ha u naxariistee madaxweyne Cigaal iyo wefti kale na soo mareen ayuu arkay isbeddelka dhakhtarka weyn, markaas ayuu wasiir Cabdi Aw Daahir weyddiiyey, “Doorkii hore dhakhtarka weyni sidan ma ahayne, yaa ma agaasimihii hore ayaad beddeshay?” Markii uu u sheegay in uu aniga oo Xasan ah ii magacaabay, ayuu u sheegay in Xisbiga ay samayn doonaan, Cabdi Aw Daahirna uu xoghayaha xisbiga noqon doono, anigana Wasiirka Caafimaadka la iga dhigi doono.

Waxa aanu u soo wareegay Hargaysa, waxa aan arkay, dhakhtarkii weynaa ee Hargaysa oo isna liita, Nairobi ayaan safar u aadnay, haayadda W.H.O, ayaanu ku heshiinay in ay Hargaysa soo degto”.

 

EngMohamed-cali Libaax

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker