SIILAANYO & MUUSE BIIXI AMA KULMIYE BA SNM MA MAALINTA AY COD KU DOONAYAAN AYAY NOQDAAN. W/Q: GEELE CUMAR COOFLE
17 kii bisha ayaan ka qeyb galay xaflad ay xilka kula kala wareegayeen gudoomiyihii hore ee Jimciyada Mujaahidiinta Sooyaal Mudane Xasan Cabdi Aw Maxamed (Muj. Dugulo ) iyo gudoomiyaha cusub ee loo doortay mudane Cabdi risaaaq Jaamac Xuseen
(Muj. Cabdi Shanaad)
Qof kasta oo ogaa wixii dalka loo soo maray iyo SNM halgan keedii
Qof kasta oo damiir kiisu nool yahay ama qalbigiisa in yar oo wadaniyadi ama dal jaceyli ku jirtay oo joogay goobtii xafladu ka dhacaysay wuu ilmeeyay oo ka jidhi dhicooday waxa Mujaahidiin naafo u badan isugu yimi xafladaas
Naafadaas dalka u soo naafoobay ee u soo halgamay dib u xoreyntiisa
waxa naftooda ka muuqatay dayac iyo dar xumo iyo daryeel la’aan
Jimciyada Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal
Waa meesha qudha ee magicii ururkii SNM dalka kaga sii hadhsan yahay ama waa (title) iyo xilka qudha ee dalka iyo dawladaas aynu haysano kaga magacaaban SNM
Waxaynu ka wada dhereg sanahay dhammaan teen
Hal-yayadii ama Naftood hurayaashii ururkii dhaqaaqa wadaniga ahaa ee SNM taariikhda iyo halgankii ay u soo mareen xoreyntii jamhuuriyada Somaliland iyo in aynu helno dawlad dimuquraadiya ama Qaran xor ah oo aan la kala lahayn oo loo siman yahay
Waxa u dhintay oo naftooda u huray dalka Mujaahidiin kumanaan qof gaadhaaya
Waxa kale oo iyana u naafoobay ama u dhaawacmay tiro kale oo intaas aad uga fara badan.
Bal hadaba markaad dib u eegto jabhadihii dalalka aynu jaarka nahay soo maray ama ay SNM isku wakhti ahaayeen sida:-
-Jabhadii EPRDF ee Ethiopia
-Jabhadii Erateria
– Jabhadii South Sudan
Iyo qaar kale oo badan oo caalamka ba ah
Markaad dib u eegto weli lama arag Jabhad Wadan kii ay qabsatay iyadoon xukumin ba 5 sano na ha noqotee ama intifaac san ba intay laba sano gudohood xilkii ku wareejiso oo shacab kay u soo halgan tay dhex dhigto tidhaahda cidaad doon taan u doorta
Oo Gobanimadaas sameeyay ama u hibeeyay taladii iyo hogaan kii dalkay qabsadeen una soo dagaalamayeen mudada in taas leeg
Xaq u dirirkii SNM mooyee lama arag oo laguma maqal taariikhda aduunka.
Waxba yaanu hadalku ila sii daaq tagine
Mujaahidiintii Snm maanta dalka siday ugu dayacan yihiin ama dar xumay san yihiin qof walba wuu ogyahay
Xafiiska ay kaga magaacaban yihiin dalkii dhamaa ay dhiigooda u soo hureen siduu u eeg yahay ama uu yahayba
markaad u eegto Xafiisyada dawlada ee dalka horta waa laba aad u kala fog ama isu dhoweyn.
Bal hadaba waxaynu in badan maqli jirray ama dhega bulshada reer Somaliland aad ugu soo dhici jiray xiligii Xukuumadii Udub ama Daahir Riyaale ereyo ama kelmado ay ka mid ahaayeen
Faqash baa dalka haysata iyo SNM baanu ahayn ama dal kaanu u soo halganay
Hadaba Xukuumadii Riyaale iyo Udub ba hadii la bedelay oo Mujaahid baanu ahayn laynagu wareeriyay ama dhagaheena ka badatay anagaa soo halganay iyo qaar kaloo la mida.
Waxa is weydiin leh hadaba
Labadii xukuumadood ee kala dambeeyay ee xisbiga kulmiye
Waxa madax ka ahaa laba mujaahid oo SNM ka mid ahaa waa Siilaanyo iyo Muuse Biixiye
Waxay Mujaahidiintii SNM iyo Shacbiga Reer Somaliland ba is weydiinayaan
Xukuumada Kulmiye
SNM iyo Mujaahidiintii maxay ku ilaaween?
Kulmiye SNM ma ololaha doorashada ayuun buu u baahdaa?
Kulmiye miyuu awoodi kari waayay xarunta Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal inuu Mujaahidiinta u dhiso?
Kulmiye miyaanu cod dambe weydiisan doonin Mujaahidiinta SNM iyo Jimciya dooda Sooyaal?
Waxaan ku soo af meerayaa hadal kayga Mujaahidiintii SNM iyo ubad kooduba cid walba iyagaa kaga xaq leh wadanka ee waa in cid walba iyaga laga horeysiiyaa hadday tahay
Shaqaalay siin
Daryeel caafimaad
Waxbarasho
Iyo adeeg kasta iyo baahi kastaba
Ilayskaa kuwii shidoow
Abaal baan kuu hayaa
Agoontaa ninkii qadshoow
Inkaar baan kugu ogahay
Waxaan Rabi uga baryayaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo dhamaan mujaahidiintii dalka u soo halgamay inta nool na cisi iyo sharaf Rabi ha ku nooleeyo insha allah Aaamiiiiiin Aaamiiiiiin
Qoraa:-โ
Geelle Cumar Coofle