Dawladda Jabuuti Oo Ka Hadashay Dib U Bilaabista Guddiyadii Farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya

Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay diyaarinta saaxadii lagu geli lahaa wadaxaajoodyo lagu guulaysto oo ay yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Sidaasna waxa xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo   qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka, oo uu kaga hadlay Dib u bilaabista Guddiyadii farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu tilmaamay in dalkiisu ku foogan yahay diyaarinta saaxadii ay ku qabsoomi lahaayeen wadahadal taabogal ahi.

 

Wasiirka Khaarajiga Jabuuti wuxuu soo jeediyey in ay lagama maarmaan tahay in samir loo yeesho, inta meesha laga saarayo caqabadaha wiiqi kara geddi-socodka wadahadalka   Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Wasiirkan ayaa ahaa hawl fududeeyihii hagayey shirarkii Somaliland iyo Soomaaliya iskugu yimaadeen 14kii illaa 18kii Bishii June 2020.

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Somaliland iyo Soomaaliya isku raaceen inuu martigeliyo Wadahadalladan jiitamay. Iyadoo la weriyey shirkii Guddiyada farsamo ee lagu waday inay Jabuuti ka furmaan badhtamihii bishan July ay Dawladda Farmaajo soo dalbatay in dib loogu dhigo.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker