Madaxweynaha Oo Shalay Dallacsiiyey Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska
Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dallacsiiyey askari ka tirsan ciidanka Booliska,Β Sidaana waxa lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Himilo, oo ugu horreyn lagu faahfaahiyey ujeedada dallacsiinta askarigan waxaanay u dhigneyd sidan:-
βMadaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-197/092018, waxa uu derajo ciidan oo ah dallacsiin Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, lana siiyey derajada uu mudan-yahay oo ah Xiddigle oo uu madaxweynuhu hore ballan qaad ugu sameeyey mar uu ka qayb-galay qalin-jebintii Jaamacadda Hargeysaβ.
Intaasi kadibna, Wareegtadan ayaa waxay u dhigneyd sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Bixin Derajo
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad;
Markaan Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee ay Ciidanku u hayaan dalka;
Markaan Ku Qancay: In bixinta Derajadu ay kor u qaadi doonto milgaha, sharafta iyo haybadda Dawladnimo;
Markaan Tixgaliyey: Hawl-karnimadiisa, Dedaalka iyo Daacadnimadiisa;
Waxaan Goβaansaday;
In aan dallacsiiyo Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax, oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, qaybta nabadgelyada Waddooyinka, lana siiyo derajada uu mudan-yahay oo ah Xiddigle.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland