Duufaano Xoog Badan Oo ka dhacaya Britain Iyo Digniino Loo Diray Shacabka Dalkaas

Malaayiin reer Britain ah ayaa lagu baaqayo  in baajiyaan safarro ay gali lahaayeen, isla markaana ay guryahooda ku ekaadaan, xilli ay jirto cabsi badan oo laga qabo dabeylo xoog baan iyo walxo hawada duulaya. Waa duufaantii labaad ee toddobaadkan dalkaas ka dhacda.

Duufaantan oo la siiyey magaca Eunice ayaa u eg inay si weyn u arbushi doonto, xaalado cimilo oo halis ahna abuuri doonto. Xawaaraha ay ku socoto ayaa kor u dhaafi doona 145 km/saacaddii, gaar ahaa meelaha furan ee xeebaha dalkaas, sida laga soo xigtay hay’adda saadaasha ee UK.

Guddigeeda Xaaladaha Degdegga ah ee dawladda ee COBRA ayaa u ballansan in uu qabto shir ku saabsan duufaanta maanta.

Goobo dhowr ah oo dalxiiska loogu talo galay, sida London Eye, Legoland, iyo Warwick Casle ayaa si kmg ah loo xidhayaa.

Hawl-wadeenada tareenka Britain ayaa, iyaguna, dadka rakaabka ah ku boorriyey in Jimcaha ay socdaalka ka baaqsadaan.

Shirkadda duullimaadka ee British Airways ayaa ka digtay in dib u dhac ku imaanayo duullimaadyada gegiga Heathrow, dabeylaha xoogga badan ee jira dartood.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker