Kalluumaysato Hindiya Oo 3 Boqol Gaadhaya Ayaa Kalluumaysi Xoog leh ka wada Badda Saylac

Qaar ka mid ah Kalluumaysatada ku dhaqan Tuulada Lowyacaddo ee Gobolka Selel ee Somaliland, ayaa Qaylo-dhaan ka soo saaray Kalluumaysato gaadhaya 3 Boqol oo u kala dhashay Dalalka Hindiya iyo Sirilaanka, kuwaasi oo Kalluumaysi Xoog leh ka wada Badda.

 

Kalluumaysatada Danyarta ah ee ku dhaqan Tuulada Lowyacaddo oo Shalay la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Shirkadaha Lowyacaddo keenay Kalluumaysatada Hindiya iyo Sirilaanka u dhashay ay doodeen iany shaqaalaysiiyaan Kalluumaysatada Muwaadiniinta ah , sidaa darteed aanay masuul ka ahayn wixii Dadkaa Ajaanibka ah ku yimaadda, haddii bay yidhaahdeen aan Xukuumadda Somaliland wax ka qabanin.

 

Mid ka ka mid ah Kalluumaysatada Reer Lowyacaddo oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Annagoo Shaqada Kalluumaysiga Xirfad u leh ayaa nala dul keenay 300 oo reer Sirilaanka ah, meel Somaliland ah oo Ajaanib intaa leeg joogaa ma jiro, 300 oo Hindiya iyo Srilanka ah laga keenay ayaa lana dul keenay, Dadkii Shirkadahan lahaa markaanu nidhi Shaqadan waanu qaban karnaa ee noo dhiiba way noo diideen.”

 

Muwaadinkan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Kalluunka ay guranayaan Dadka Ajaanibka ahi uu yahay ka yaryar ee Dunida Qaaliga ka ah “Kalluunka in Ruqsadaha lagu soo qaato in la gurtaa waa Kalluunka kale, laakiin Kalluunka ay Dadka Ajaanibka ahi gurayaan waa Kalluunka yaryar ee la daawado, Adduunkana waxa midhka lagu iibiyaa Qiimaha u dhexeeya 50 illaa 80 Dollar.”ayuu yidhi

 

Mid kale oo ka mid ah Kalluumaysatada reer Lowyacaddo ayaa yidhi “Lowyacaddo Maaha Tuulo ku taalla Sirilaanka ee waa tuulo ku taalla Somaliland, Xukuumadda waxaanu u sheegaynaa Dadkaa soo duulay ee Sirilaanka laga keenay haddii waxa laga qaban waayo, Annagu masuul kama nihin wixii hadhow ka dhaca..” ayuu yidhi

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker