Ilmo Yar oo ku Dhintay Dhaamka Ku Yaalla Xaafada Jig-jiga Yar Ee Magaalada Hargeysa

Alle Haw Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Hargeysa Dhaam Biyood  ku dhintay Wiil yar oo magaciisu ahaa Cabdiqani Cabdi Xuseen oo Shan Jir ahaa, kaasi oo ku Dabaallanayay Dhaamka Xaafada Jig-jiga yare ee Magaalada Hargeysa.

Dhaamkan ayaa waxaa hoostiisa ahaa Ceel laga qoday oo dhererkiisu yahay ilaa 20 Mitir ayaa waxaa ilmahaas yari isagoo ku dabaalanaya abbaaro 1:00 Duhurnimo ee maanta uu ku dhintay Ceelkaas.

Ciidanka Dab-demiska  Caasimada Hargeysa ayaa lagu soo wargeliyay, waxaana ciidanku u baxay markii lagu soo wargeliyay, hasayeeshee nasiib xumo waxaa ciidanka dab-demiska lagu soo wargeliyay iyadoo uu muddo ku jiray ceelkaas isla markaana ku dhintay, hasayeeshee waxaa ciidanka Dab-demisku ka soo saaray maydkii ilmahaas yar.

Hawlgalkan ayaa waxaa ciidanka Dab-demiska ku wehelinayay Laamaha Amaanka iyo Baadhista waxaa ugu dambayn Hawshaa la wareegay Qaybaha Baadhista ee Ciidanka Booliska iyo eheladii iyo Qaraabadii Wiilkaasi yar.

Ciidanka Dab-demiska ayaa  badanaa ka shaqeeya hawlaha biniaadanimo haday noqoto Dadka, Xoolaha iyo Gaadiidka iyo guud ahaanba wixii u baahan gargaar biniaadanimo.

 

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

Gurmadka Deg dega ah : 990

Somalillandfie@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker