MAANSADA BILILIQO 26 / 6 / 14 WAXAY SOO BAXDAY TAARIIKHDAA KOR KU QORAN WELINA WAY KASII DARAYSAA
MAANSADA BILILIQO 26 / 6 / 14
WAXAY SOO BAXDAY TAARIIKHDAA
KOR KU QORAN WELINA WAY KASII DARAYSAA
.
Ma bilaabin waa yadan tixdaan
Biinadayn jiraye
Aan bilaabo taad beydad qaran
Iiga barateene
Beryaa jiray wanaag baratamoo
Biinna loo xidha,e
Beryaa jiray bahbaa ila tihiin
Lagu bilkeedayne
Beryaa jiray waxbaan boobayaa
La isu baaqayne
Beryaa jiray bulshadu kala tiqiin
Kay bajina yeene
.
Bixisada hadder socota ee
Budhiyo tooreeya
Budhcad nimo wanaag lagu helaa
Waa bar kuma taale
Burburkiyo jabkay soo mareen
Buulashiyo kaynta
Ee badan xabaalaa la dhigay
Maalna lagu belay
Balaayiyo wixii la xamilay
Baaska wada yeeshay
Ee bulshadu inttaa ugu samreen
Ama baxnaanee-yay
.
Mar inay barwaaqiyo galaan
Buuxa nabadeede
Mar inay busaaradi hadhiyo
Bararka qiimuuye
Mar inay bilaash loo xidhiyo
Jeel ka baqsado,e
Mar inay qabyaaladi baxdiyo
Qaar bursana yaaye
.
Balse faqash bah ay dhaantay baa
Baawarkii sida,e
Bakhtibay dadkiyo xoolihii
Bacadka yaaliine
Beentiyo kitaab kay mareen
Yaa biyii xidhaye
Boodh iyo habaas mooyiyee
Baadba laga waaye
Bahalaa fadhiya dawladii
Tuug is biirsadaye
Ballan qaadki lagu doortay iyo
Baal mar wacad kiiye
Biidhi qaate wada liita oo
Baahanbaa yimiye
.
Aanna ii baneebay tagtiyo
Bililiqayn taase
Bogcad qudha ayaan qaran u hadhin
Biicsadoo cuna,e
Ilaa buurihii baa gadmiyo
Beerti raaxada,e
Burjuwaasi-yaal baa ku degey
Aan birsolinay-ne
Biigbaa fadhiya meelihii
Baasha loo rabaye
.
Baryo iyo inay tuugsadaan
Waa ubaab furane
Ceebbaan aduun uga baxniyo
Qoladi baahnayde
KA BADBAADI (WEYNAW )Ku waa
Cudurka beeraaya
.Q. MAXAMUUD CISMAAN FAARAX ( MOHOLIN )