Madal Ganacsatadu Isku Dhaafsatay Talooyin Ku Wajahan Qaabkii Ay Xukuumaddu U Buuxin Lahayd Kaalinteeda Oo Hargeysa Ka Qabsoontay
Hargeysa- (OWN) Kulan-hawleed ku saabsan nidaamyada loo maro abuuritaanka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iskaashi dhexmara ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe iyo kaalinta ay ku leeyahiin koboca dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuurka ayaa manta lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Kulankan oo lagu qabtay Hudheelka Damal, isla markaana soo qabanaabisay Salma Cabdiraxmaan Walaaleye, Warbaahinta The Somaliland Review, ayey ka soo qeybgaleen martisharaf isugu jiray masuuliyiin xukuumada, siyaasiyiin, Qurba-jooga iyo Qaran-joog maalgashi ku saabsan ganacsiyo kala duwan dalka ka sameeyey.
Salma Cabdiraxmaan Walaaleye oo hadalo ka jeedisay madasha ayaa sheegtay inay muhiim tahay dhiirigelinta ganacsiyada yaryar oo kaalin ka qaataan koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo tidhi,
“Ganacsiyada yaryar waa xoogaga wada koboca dhaqaalaha dalka. Waa muhiim, in bulshadu ku baraarugto, qiimayso, oo taageerto, ujeedada aanu kulankan u soo qabanqaabinayna dulucdiisa waa taageeridooda,”
Sida ay ka dhawaajisay Salma Cabdiraxmaan Sheekh, warbaahinta The Somaliland Review ayaa mustaqbalka, Hadii Ilaah yidhaahdo, qabanqaabin doonta kulano dheeraad ah, oo qeyb ka noqon doonaan dhamaan daneeyaasha qaybaha bulshada ee doorka muhiimka ah ka ciyaara horumarka dalka iyo dadka reer Somaliland.