Jamaal Cali Xuseen Oo Muuse Biixi Kula taliyay inuu Waddanka ku celiyo 2010 kii
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa waraysi uu dhawaan bixiyay Sheegay in uu la taliyaasha Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi uu ka mid yahay , isla markaana uu Madaxwayne Muuse Biixi talooyin badan ka qaato.
Haddaba Jamaal Cali Xuseen ayaa waraysigan ka yidhi haddii uu Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi wadanka ku celiyo 2010 inuu noqonayo Madaxwayne, wax wayn qabtay ,
taas oo macnaheedu yahay in Waddanka dib loo celiyo oo;
-Miisaanayada sanadeedka Qaranka ee gaadhay $ 363 Milyan halagu celiyo $40 Milyan
– Waxbarashada Dugsiyada Hoose/dhexe ee bilaashka laga dhigay, halaga noqdo.
– lacagtii Giinbaarta ahayd ee laga badalay Goboladda Bariga Somaliland, halagu celiyo.
– Sanduuqa Horumarinta Somaliland (S.D.F.) hala baabiiyo.
– Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan),ee la sameeyay hala iska daayo.
– Dhismayaasha Casriga ah ee qalabeysan Iyo agabkii lagaga Shaqeyn-lahaa Xafiisyadaa iyo wasaaradaha dawlada hala dumiyo oo dhulka halala simo.
– labadda madaar ee Hargeysa iyo Berbera, dib wixii lagu kordhiyay haloo dumiyo.
– Darajooyinka Ciidamada Qaranka, hala-gala noqdo
– Wadadda Ceerigaabo hala bur buriyo.
– Ciidanka damdamiska Qaranka Somaliland ee la asaasay hala baabiiyo.
– Heshiisyada caalamiga ah ee horumarineed ,sida Heshiiskii Maalgashiga Dekedda Berbera ee DP World, iyo Shirkadaha Shidaalka baadha, halaga saaro Waddanka.
– Nabeynta iyo dibu-heshiisinta, kooxdii SSC iyo Khaatumo , halaga baxo.
Lama garanayo waxa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku kalifay inuu hadalkan kasoo baxo, laakin dad badan baa ku micneeyay inuu si gaara oo shikhsi ah dawladii Siilaanyo u diidana, halka dadka qaar ku macneeyeen in dawlada Muuse Biixi ay ka shaqaynayso inay tir tirto raadkii dawladii Siilaanyo isaguna uu yahay la taliyaasheeda koowaad.
Mujaahid Shukri Rashid
UK