Miisaaniyada dowlada Soomaaliya ee sanadka 2022 Oo La Ansixiyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada oo ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, ansixinta miisaaniyadda dowladda 2022 iyo Guddiga fulinta wareegtadii Madaxweynaha ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cabdul loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka, halka Cabdulqaadir Aadan Maxamuud loo magacaabay Guddimayaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, iyagoo kula dardaarmay Agaasimeyaasha cusub in ay dardar geliyaan shaqada loo igmaday, waxa ayna uga mahad-celiyeen Masuuliyiintii hore ee xilalkan hayey shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga hoos ku xusan u magacabay fulinta wareegtadii Madaxweynaha ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud;

1)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Mukhtaar Gudadaha Gudoomiye
2)- Wasiirka Caddaaladda: Mudane Cabduqaadir Maxamed Nur

3)- Wasiirka Amniga Gudaha: Mudane Cabdulaahi Maxamed Nur

4)- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker