Idaacaddii Weynayd Ee Radio Hargeysa oo Hawada Ka Maqan Dayac Awgii.

Hargaysa-(OWN)-Idaacadda Radio Hargaysa ayaa ah Idaacadda kaliya ee xarunteedu ku taalo gudaha Somaliland isla markaana ku hadasha afka xukuumadda, Xukuumadii  Madaxweyne Siilaanyo ayaa dalka ka hirgalisay Idaacad weyn oo Wadanka wada gaadha si loo daboolo baahida Warbaahineed ee loo qabo Radio Qaran.

Idaacaddan ayaa ka hadasha mawjadda gaaban ee 41-ka Miter Band, sidoo kale Radio Hargeysa ayaa laga Dhageystaa FM-yada Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo.

Hadaba Idaacadda wayn ee Radio Hargaysa oo guud ahaan laga dhagaysto Dalka iyo meelo badan oo kamida Gobolka Geeska Afrika iyo sida oo kale FM-yadii laga dhagaysan jiray Magaalooyinka Burco Iyo Ceerigaabo ayaa guud ahaan hawada ka maqan muddo hal todobaad ka badan waana markii sadexaad ee Idaacadda weyni  hawada ka baxdo muddo hal bil gudaheed ah iyada oo hadda ay shaqaynayso kaliya FM-ta laga dhagaysto Magaalada Hargaysa.

Somaliland ayaan ilaa haadda ogolayn in laga furo gudaha dalka Idaacado Madax banaan, sidaa awgeed Radio Hargeysa ayaa ah Raadyawga kaliya ee ku yaala dalka.

Sida ay ogaatay OODWEYNE NEWS Sadex bilood ka hor  ayey dalka soo gaadheen Injineero dhinaca Idaacadaha ah kuwaas oo ku tilmaamay Ciladaha soo noqnoqda ee Idaacada weyn inay tahay Qalab badan oo ka maqan iyo Dayac-tir la’aan jirta.

Dhawr goor oo hore ayey hawada  ka baxeen inta badan Mawjadaha Radio Hargeysa intii uu Xilka Wasaaradda Warfaafinta uu joogay Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo ilaa hadda wax la taaban karo aan ku soo kordhin Wasaaraddaas.

Image result for idaacadda radio hargeysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker