Dhageyso:-Dhibaato Heysata Soomaali Ku Xidhan Sacuudiga

Soomaali farabadan ayaa xilligaan ku xidhan Xabsi ku yaalla Magalada Jeyzaan ee Gobolka Najraan oo ku yaalla inta u dhaxeysa dalalka Sacuudiga iyo Yaman,kuwaas oo la qabtay xilli ay doonayeen inay tahriib ku galaan dalka Sacuudiga.

Dadkaas qaarkood ayaa  xilligaan waxaa heysta dhibaatooyin kala duwan oo Caafimaad darro ugu weyn tahay,waxaana ay isugu jiraan rag iyo Dumar.

Mid ka mid ah dadka Xabsigaasi ku xidhan ayaa sheegay inay isugu jiraan 150 Rag ah iyo 80 Haween ah,isla markaana dhibaatooyinka ay qabaan ay ka mid yihiin,Cunto la’aan, Dhar la’aan iyo Caafimaadka Xabsiga oo aad u liita.

Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in dadkasi ay isugu jiraan kuwa Xabsiga ku jiray inta u dhaxeysa laba bil iyo bar iyo Bil,isla markaana xilliga lagu xirayay qof walba  laga qaaday Sawir sidoo kalena laga qorayo Magaca laakin aysan jirin wax kale oo loo qabanayo. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay jiraan 140 ruux oo dhamaantood soomaali ah,kuwaas oo Soomaaliya loo tarxiilay, kadib wadahadal dhexmray Safaarada Soomaaliya ee dalka Sacuudiga iyo dowladda dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker