Ra’iisul wasaarihii Hore ee Sri Lanka oo Loo Doortay Madaxweyne

Baarlamaanka dalka Sri Lanka ayaa ra’isul wasaarihii hore Ranil Wickramesinghe u doortay xilka madaxweynaha, ka dib doorasho manta ka dhacday caasimadda wadankaas ee Colombo.

Ninkan oo horey lix jeer ra’isul wasaare u soo noqday ayaa heley 134 cod, halka Dullas Alahapperuma oo kamid ahaa raggii la tartamay ay u codeeyeen 82 mudane oo ka tirsan baarlamaanka.

Dalka Sri Lanka ayaa xasilooni la’aan siyaasadeed ku jirey tan iyo markii dadweyne ka caraysan dhibaatada dhaqaale ee dalkaas ka jirta ka banaan baxayay ay xilka ka tuureen madaxweynihii hore Gotabaya Rajapaksa.

Dalka Sri Lanka oo ku yaala qaaradda Asia ayaa waxaa ku nool 22 milyan kuwaas oo ay si weyn u saameysay dhibaatada dhaqaale ee dalkaas oo wajahday, haba ugu sii darnaadaane qiimaha shidaalka iyo cuntooyinka oo aad u kordhay.

Maadaama uu kamid ahaa dowladdii xukunka laga tuurey, lagama filaayo in ay soo dhaweeyaan mudaaharaadiyaashii qabsaday dhismiyaashii dowladda oo ay ku jirto madaxtooyada isla markaana ku qasmay madaxweynihii dalka in baxsado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker