Maxaa laga fili karaa Xiisadda Adag ee ka dhextaagan Wadamada Iiraan iyo Maraykanka
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa waxa uu sheegay in uusan rumaysnayn in dagaal uu ka qarxi doono gobolka xilli uu jiro walaac laga qabo xiisadaha sii kordhaya ee dalkiisa uu kala dhaxeeyo waddanka Mareykanka.
Maxamed Javad Zarif ayaa waxa uu warbaahinta qaranka dalkiisa ee IRNA uu u sheegay in Tahraan aanay dagaal doonayna, uusanna jirin dal “ku fakaraya inuu Iiraan dagaal kaga hortago”.
Mareykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu maraakiib iyo diyaarado dagaal uu geeyay Gacanka taas oo lagu tilmaamay in looga gol-leeyahay “halista” Iiraan.
Hasayeeshee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado wixii colaad keeni kara.
Isagoo la hadlayay IRNA markii uu soo gebagabeeyay booqasho uu ku tegay Shiinaha maalintii Sabtidii ayuu Mr Zarif waxa uu sheegay in Mr Trump “uusan dagaal doonayn, hasayeeshee dadka ku xeeran ay ku riixayaan dagaalka iyagoo isticmaalaya oraahda ah Mareykanka aannu ka dhigno mid ka awood badan Iiraan”.
Waxa uu intaasi ku daray: “Wax dagaal ah ma uu jiri doono sababtoo ah innagu dagaal ma doonayno qof maanka ku hayana ma uu jiro fikradda ah in colaad lagala hortago Iiraan.”
Maxay xiisaduhu u jiraan?
Xiisadahan ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labadan dal ayaa imanaya kaddib markii ay Iiraan joojisay waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka sidoo kalana ay ku gooddisay inay dib u bilaabi doonto barnaamijkii ay ku kobcinaysay uranium-keeda.
Heshiiskii 2015 ayaa waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sanadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu soo dalkaasi ku soo rogay.

Mareykanka ayaa waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan.
Baarayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale waxa ay bilowgii bishan Iiraan ku eedeeyeen ama kooxaha ay baritaarto inay walxaha qarxa u adeegsanayaan inay ku waxyeeleeyaan maraakiibta shidaalka qaadda ee ka baxaysa Isu-tagga Imaaraatka Carabta. Tahraan ayaa iska fogaysay eedahaasi.
Digniino ka dhan ah duulimaadyada iyo maraakiibta
Xilli hogaamiyayaasha labada dal ay ku adkaysanayaan in aanay dagaal doonayn ayaa haddana xiisadaha ka taagan Gacanka ay weli yihiin kuwo sarreeya.
Diblumaasiyiinta Mareykanka ayaa Sabtidii ka digay in diyaaradaha ganacsiga ee halkaasi maraya ay halis ugu jiraan in si khalad ah loo aqoonsado.
