Hal Qof oo Habeenimadii xalay ku dhintay Ceel-biyood ku yaalla Dhaamka Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa.

Hargeysa Alle haw naxariistee waxaa habeenimadii xalay ceel biyood ku dhintay Nin, ceelkan ayaa ku yaalla dhaamka Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

Habeenimadii xalay Abaaro 1:15 ayaa Ciidanka Dabdemisku ka hawlgaleen, waxaana ciidanku Maydkii ka soo saareen Ceelka.

Sababta Ninkani ugu dhintay ceelka waxaa gacanta ku haya baadhista kiiskaas ciidamada Booliska.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada Somaliland ku wacyigelinayaa inay ka digtoonaadaan kana taxadaraan goobaha Godadka iyo ceelasha, waxay keeni karaan halis Nafeed iyo mid hantiyeedba.sidoo kale bulshadu ka taxadaraan ku shaqaynta wehel laan goobaha Godadka iyo Ceelasha.

 

Xafiiska warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
Info@somalilandfire.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker