Jose Mourinho Oo Fariin U Diray Jurgen Klopp Ka Dib Markii Ay Liverpool Soo Laabashadeedii Taariikh Mucjiso ah Sameysay

 

Jose Mourinho ayaa amaanta buuxda dusha u saaray Jurgen Klopp ka dib markii uu Liverpool ku hogaamiyay inay guul wadareed 4-3 ku gaareen Barcelona.

Kooxda Catalans ayaa Reds kaga soo badisay 3-0 kulankii lugta hore ee semi-finalka Champions League, waxaana la filayay inay kulanka Anfield natiijo u dhow ku gaaraan.

Laakiin min labo gool ay kala dhaliyeen Georginio Wijnaldum iyo Divock Origi taasoo Liverpool ka saaciday inay buukintaan booskooda finalka Champions League.

Mourinho iyo Klopp ma ahan rag saaxiibo ah, waxaana ka dhaxeeyay xafiiltan markii uu Mourinho joogay Manchester United sannadii 2018.

 

Laakiin tababaraha reer Portugal ayaase markaan amaan buuxda amaanay dhigiisa Jarmalka ka dib markii ay Liverpool soo laabasho taariikhi ah ku sameysay Barcelona.

“Wax walba oo aan maanta ku fekerayo waxa ay ku saabsan yihiin maskaxda Jurgen Klopp.”

Klopp ayaa isaga laftiisa ku jiray dareen qiireysan waxaana uu ciyaarta ka dib uu si toos ah u soo galay TV-ga BT Sport isagoo erey aflagaado ah sheegay.

Wuxuu isticmaalay ereyga F..cking, ka dibna waxa uu yiri: “I ganaaxa haddii aad doontaan, Ingariis luqadeyda ma ahan sidaasi darteed ma aqaano ereyo ka fiican.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker